Muqdisho (WDN)- Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya, ayaa maanta deeq gargaar ah waxa ay gaarsiisey boqolaal dad ah oo ku nool kaamam ku yaalla degmada CabdiCasiis ee gobolka Banaadir. Kuwaasi oo kasoo barakacey deegaanada Abaaraha aadka u saameeyeen ee koonfurta Soomaaliya.

Deeqdan oo ahayd Raashin ayaa waxaa la gaarsiiyey 600 oo qoys oo duruufo adagi ugu noolaa kaamamkaa, waana gurmadkii ugu horeeyey ee dadkan soo gaara tan iyo markii ay deeganadoodii kasoo barakaceen.
Agaasimaha Waaxda Gargaarka ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Md. Cabdullaahi Maxamuud Magan, ayaa sheegay dhibaatada taagan iyo gargaarka iminka soo gaarey aan isu dhigmin, laakiin ay ku dadaali doonaan in ay qabtaan wixii karaankooda ah.
Wasaaradda ayaa ku hawlan wax ka qabashada abaarta dalka ku dhufatey oo ah middii ugu xumeyd muddo sanado ah, taasi oo malaayiin Soomaaliya gelisey xaalad bini aadmino aad halis u ah.
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho