Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dhuusha Mareeb gaarey

Muqdisho (WDN)- Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaarey magaalada Dhuusa Mareeb ee maamulka Galmudug. Halkaasi oo ay kusoo dhaweeyeen masuiliyiin uu hormuud u ahaa Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Qoorqoor iyo dadweyne aad u tira badan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dhuusha Mareeb gaarey

Socdaalka Madaxweynaha Xasan ku tagay Dhuusa Mareeb ayaa ka mid ah socdaalo maamulada dalka ka jira uu ku bixinayo, oo loogu magac daray Tareenka Nabadda. Kaasi oo ujeedadiisu tahay u kuur gelidda xaaladda abaaraha dalka ka jirta iyo dib heshiisiinta.

Inta uu joogo Madaxweynaha magaalada Dhuusa Mareeb, waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa masuuliyiinta maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Amaanka magaalada Dhuusa Mareeb ayaa si aad ah loo adkeeyey, waxaana aad u yaraadey isu socodka dadka xaafadaha qaar .

Madaxweyne Xasan ayaa kasoo kicitimay magaalda Baydhabo halkaasi oo muddo laba maalmood ah uu ku sugnaa, isagoo kulamo kala duwanna la qaatey maamulka Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshad, isagoo booqdey xarumaha dadka kasoo barakacayaasha deegaanada abaatuhu saameeyeen, ee maamulaka Koonfur Galbeed.

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho