

Intii ay socotay munaasabadan ayaa laga aqriyay warsaxaafadeed ka kooban sideed boqob kaasoo lagu cadeeyey in dhinacyadu ay isku afgarteen dhamaamba qodobadii ay ka wada hadleen, waxayna sidoo kale si wadajir ah u adkeeyeen in la dhaqangeliyo qodobada heshiisyadii Addis ababa iyo Muqdisho ee u dhaxeeyey dawladda Federaalka iyo hogaanka sare ee maamulka Jubba.
Qodobada Warsaxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in ciidamo ku sugnaa muddooyinkii la soo dhaafay duleedka magaalada ay soo galeen gudaha magaalada Kismaayo, kadib wadahadalo iyo isfaham ay la gaareen hogaamiyeyaasha dawladda, kuwa Jubba iyo kuwa dhaqanka, waxayna arrintani bilow u tahay qorshe si dhameystiran dib loogu soo celinayo ciidamadaasi ku sugan banaanka magaalada, kadibna lagu daro ciidanka rasmiga ah ee dawladda Federaalka, si ay u helaan xaquuqda ciidanka iyo mushaaraadkaba.
Wakiiladii ka socday beesha caalamka oo munaasabada ka hadlay ayaa xaqiijiayay taageeradooda heshiiskan iyo is fahamka labada dhinac, waxayna balan qaadeen in ay qeyb ka qaadanayaan sidii loo fududeyn lahaa dhaqangelinta heshiiskan.

“Socdaalkeygan waxaan ku xaqiiqsaday in Kismaayo ay ka go’antahay nabad iyo iskaashiga, waxaana idiin sheegayaa dadku waxa ay go’aansadaan wey gaaraan, waxaan rajeynayaa in Soomaali meel kasta oo ay joogto ka gudubto dagaalka iyo khilaafka ayna u gudbaan nabad, iskaashi iyo wadajir” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh oo hadal dheer ka jeediyay munaasabadan.
Garad Salad Hersi
Senior Press officer, PM office
Kismayo, Somalia
Leave a Reply