Ka: Faysal Cabdi Rooble
Ku: Mudane Maxamed Sh. Cismaan Jawaari, Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka
Mudane:
Marka hore iga guddoon salaan kaaga timid meel fog. Marka xigta, waxaan jecelahay in an kugu tahniyadeeyo guusha kaaga soo hoyatay in mar labaad (2017 – 2020) laguu doorto xilka Guddoomiyaha Baarlamanaka Soomaaliya.
Aniga oo aan waligey warqad furan dirin, ayaa maanta oo ay rajo i gashay awgeed aan warqadan furan kuugu soo dirayaa
Aniga iyo Soomaali badan oo ku taageertay, waxay noo tahay arin lagu diirsado in aad mar kale fursad u hesho, oo lagu soo doorto. Anaga oo is nidhi Md. Jawaari waa ruug caddaa in uu soo noqdana loo baahanyahay.
Mudane, waxaan aaminsanahay in aad tahay shaqsii ka soo jeeda Soomaalidii wax baratay xiliyadii xornimada ka horeysey, wadaniyadii 1950 iyo 1960-kii ku soo ababay, dawlada u soo shaqeeyay, weli dal jaceyl iyo edeb wax ka sii haya.
Mudane, Soomaalidu waxay ku maahmaadaa “nin weyni xantiis ma moogana,” oo koleyba waad ogtahay tuhunka lagaa qabo oo ah “in aadan kartidaada iyo aqoontaada aadan ummadda Soomaaliyeed ugu faa’ideyn afartii sano ee ina dhaaftay.” Waxaan rajeynayaa in tuhunkaas aad ku badeli doonta wax qabad tayo leh oo lagu riyaaqo.
Mudane, maanta waxaad tahay addinka ugu sareeya awoodda dawladda Soomaaliyeed. Axdi Qarameedka u yaal dalka adiga ayaa maanta ugu sareeya. Madaaama uu dhamaaday wakhtigii dalwaddii la doortay Sebtember, 2012, Madaxweyne, R/Wasaare iyo awood heer qaran ah, oo shacabka Soomaaliyeed maanta talo u haysaa majiro, oo adiga kaa sareysa.
Sida aad ka warqabto dastuurka dalka u yaal, qodobka 95, farqadiisa (1) ) iyo qodobka 92, farqadiisa (4), waxa uu sheegayaa in awoodii dalku ay adiga kugu soo wereegtay, mar hadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud afartii (4) sano ka dhamaatay.
Sidaad darteed waa in aad awoodda Madaxweynaha la wareegtaa, isla markaana aad awooddaada Guddoomiye si KMG a, aad ugu wereejisaa ku xigeenka koowaad ee guddoonka Barlamaanka. Yaanay fursadani kaa fakan.
Maxamed Abshir ayaa 1990- kii Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal ku yidhii sidatan, isaga oo ka wadey in burburka Soomaaliya aanu dabo dheeraan:
“Adigaa (Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaalow) ahaa R/W igu dambeeyey afgambiga ka hor. Sharciga dalku adiga ayuu weli ictiraaf siinayaa ee waa in aan dib dowladdii duntay kugu soo celinaa.”
Cumar Macalin arintaas aad ayuu u soo dhaweeyey. Hase ahaatee Cigaal ayaa ka maagay taladaas wax ku oolka ahayd.
Sidoo kale, maanta adiga ayey kugu soo noqotay. Sharcina waad u haysataa in aad la wareegto dawlada oo dhan. Sidaas darteed culays aan caadi ahayn ayaa qaranka oo xaalad adag ku jira kaa saaran.
Waxaad maanta tahay sidii 1960hii loogu heesay: Nin xil qaaday eed qaad.
Insha Allah ku eedayn mayno, addna xilka iyo xaal marinta lagaa sugayo ha nagu gabin. Sidaas darteen arimahan hoos ku xusan ayaan marti kaaga nahay:
1-Waa in aad sida ugu dhakhsaha badan ula wareegta xilka madaxweynaha Soomaaliya si KMG ah, islamarkaana Villa Soomaaliya oo ah rugta madaxweynaha sharciga ah ee dalka aad u guurtaa, M/weynaha wakhtigiisu dhamaaday waa inuu ka guuraa villa Soomaaliya(private citizen).
2-In sida ugu dhakhsaha badan amarka iyo awoodda u talinta ciidamada qalabka sida oodhan aad la wareegtaa;
3-In cod lacag lagu badasho naga dhowrtaa. Hadaad wax cad ku hesho musuq noocaas ah sharciga la mariyaa.
4-Wax ka qabo adeega qaran, sida idaacada, gaadiidka, iyo amniga qaran in loo adeegsado dan gaar ah oo ku aadan doorashada madaxweyne. Handdadaad koox ama musharax loo geysto ha ogolaan;
5-Inta dowlad cusub lasoo dhisayo, waa in aad sida ugu dhakhsaha badan aad ugu dhawaaqdaa gudi isha ku haysa Bankiga dhexe iyo maareyntiisa;
Da’da aad maanta joogta, aqoonta aad leedahay, xilka aad hayso iyo sida aad u gudato, waa arin taariikhi aha, IF iyo AAKHIROBA wey ku raaci doonaan.
Allaha ku garab galo.
Faysal Cabdi Rooble
Email:faisalroble19@gmail.com
Leave a Reply