Warqad Furan: Madaxweyene Ismaaciil Cumar Geelle

W/Q Mahdi Muuse

“Mudane waxaan rabnaa in aad noqoto Macalin u dhiga  madaxda Soomaali, casharo ku saabsan qeexida shirkadda DP World

Mudane Madaxweyne waxaad laashay heshiiskii Shirkadda DP World ee Khuseeyay Dekadda Jabuuti.  Dabcan Mudane waxaad gudatay hawl qaran oo kaa saaran ilaalinta danta guud & ku xisaabtanka kheyraadka dalkaaga,  haddana waxaa muuqata in ay jirto mid kale oo u dhiman Madaxweyne adigoo kale ah.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

Mudane Madaxweyne. Soomaali horey baad wax ugu qabateen. Xooog, maal & xeeladba waxaad ku dhammeyseen heshiiskii taariikhiga ahaa ee magalaada Carta. Maanta waxaa jirta hawl Qaran oo uu kaa mudan yahay dalkaaga Hooyo ee Soomaaliya.

Mudane waxaan kaa rabnaa in aad noqoto Macalin wax u dhiga  madaxda Soomaali. Waxay u baahan yihiin casharo ku saabsan qeexida shirkadda DP World & siday ku suuro gali karto in looga baxo heshiis horey loola galay, adigoo adeegsanaya khibradaada dheer ee Madaxweyne-nimo & ogaaalka aad u leedahay Shirkadda DP World ee Imarat.

Mudane Madaxweyne. Hawshan Qaran  uma baahna Safar aad ku tagto Caasimadaha badan ee Soomaaliya. waxaad gudan kartaa adigoo xafiiskaaga fadhiya. waxaadna ku kasban doontaa  Kalsoonidain ka badan  toban Milyan oo Soomaali ah, kuwaa oo ilaa hadda aan heyn cid u ilaalisa kheryaadka dalkoooda,  iskadaa in loo soo saaro oo ay anfacsadaan.

Mudane Madaxweyne haddaad Casharadan bixiso, oo ay ku dhacdo dhegta hoggamiyaasha Soomaali, ogoow taariikhda ayaa ku qori doonta. Haddii ay dhacdo in qalinka la gato, oo uu magacaaga taariikhda ka dhaco, ogoow waxaad ku dhigan tahay quluuubta inta jecel caddaalada & danta Guud ee dalka Soomaaliya.

Mahadsanid Madaxweyne

Samo jecel Soomaali ah
Sooomaliya Soomaali baa leh.

Mahdi Muse
Email:mahdimuse@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.