Tuesday, April 23, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Warqad Furan: Isimada, Cuqaasha, Nabadoonada iyo Samadoonada u soo xulaya beelahooda xubnaha Baarlamaanka Puntland

Tariikh: Octobar 22, 2018

Ku: Isimada, Cuqaasha, Nabadoonada iyo Samadoonada u soo xulaya beelahooda xubnaha Baarlamaanka Puntland

Anaga oo ku hadlayna magaca xubnaha Kacdoonka Sinnaanta Jinsiga Soomaaliyeed (KSJS), fadlan naga guddooma salaan sharaf iyo xurma. Mudanayaal, waxaad tihiin hormuudka beelaha Soomaaliyeed oo laga sugayo in ay si hufan oo xalaal ah u soo xulaan xubnaha Baarlamaanka Dawlad Goboleedka Puntland. Maadaama Shirarkii Garoowe II ee ka dhacay Puntland 17 Febaraayo 2012kii uu yahay meeshii ugu horeysay ee lagu ansixiyey qoondada haweenka ee 30% waxaa la idinka sugayaa in aad u soo xushaan Baarlamaanka Puntland ugu yaraan 30% haween ah.

Baarlaamka maanta jira oo ka kooban 66 xubnood, 2 keliya ayaa haween ka ah, taas oo u dhiganta 3%. Mudanayaal, taas waxaa loo aanaynayaa odayaasha dhaqanka waxayna ka mid dhigtay Puntland dawlad goboleedyada ugu hooseeya dhanka matalaada haweenka baarlamaanada tiradaasina uma muujinayso horusocod haweenka Puntland oo u dhigma in ka badan 50% bulshada iyo horumarinta deegaanka oo haweenku ay ka qaataan door ka sareeya raga.

Sida aad ogtihiin, waligoodba haweenka Soomaaliyeed kaalin aad u weyn ayey kaga jireen halgankii madaxbannaanida, badbaadinta qoyskooda iyo dib u dhiska dalka. In kasta oo doorkoodu lama huraan yahay, codka haweenka iyo ka qayb qaadashadooda siyaasadda inta badan waa la qiimo tiray, laga tegay oo la iska indho tiray.

KSJS waa kacdoon caalami ah oo aan dhinac raacsanayn oo ka kooban in ku dhow ilaa 9,000 oo haween Soomaaliyeed ah oo kala duwan, joogana dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba, kuwaas oo u midoobay si ay ugu ololeeyaan sinnaanta jinsiga Soomaaliyeed. Hadafka KSJS waa U ololeynta kacdoon haween oo sal balaaran kana shaqeeya sinnaanta jinsiga Soomaaliyeed oo ay ka go’antahay kor u qaadista sinnaanta dhaqan-dhaqaale iyo siyaassada ee madasha go’aan-qaadashada dadweyne. KSJS waxay sameysay olole ballaaran oo loogu magac daray U Hiili Haweenka doorashadii dadbaneyd ee 2016 si loo helo kootada haweenka ee 30% kana mid tahay hay’adaha ku guuleystay in 24% haween ah ay soo galaan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka. Waxay kale oo si gaar ah oo caddaalad ah u falanqeeysay, jawaabna ka bixisay qoraalka hiigsiga 2016 ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dastuurka qabyo qoraalka ah ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, iyo Dastuurada iyo qorshayaasha siyaasadeed ee Dowlad Goboleedyada, si loo gelsho jaangooyada jinsiga, iyada oo ujeedadu tahay in la jideeyo ugu yaraan 40% in ay noqto qoondada haweenka ee jagooyinka la magacaabo ama la soo xulo.

KSJS waxay ugu baaqaysaa Isimada, Cuqaasha, Nabadoonada iyo Samadoonada soo xulaya xubhaha Baarlamaanka Puntland in ay tixgeliyaan Dikareetada Madaxweynaha Puntland oo siineysa haweena qooto ah 30%. Waxaa la idinka sugayaa in aad soo xushaan 22 haween ah oo ka mid noqda xubnaha Baarlamaanka Puntland. Hada waxaa hogaamiya baarlamaanada dawlad goboleedyada Koonfur Galbeed oo ay baarlamaankeeda ku jiraan 21%. Waxaan rajeyneynaa in Puntland ay qaadato hogaankaas. Xasuusnaada taariikh baa qormaysa waxaana ku hanweynahay in doorkan mid kasta oo idinka mid ah uu dardargeliyo ballanta kordhinta tirada haweenka Baarlamaanka Puntland.

Tixgelin,

Guddiga & Xubnaha Kacdoonka Sinnaanta Jinsiga Soomaaliyeed

Dhaqdhaqaaqa SGEM
Email:[email protected]

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.