Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • Slideshow
  • Warar

Warmurtiyeed ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Dawladda Deegaanka Soomaalida

Waxaa la soo afjaray kooxdii Argagixisada Alshabaab ee 4 maalmood ka hor duulaanka ka soo qaaday aaga “Aato” ee soo gashay Gobalka Afdheer kadib markii ay Ciidamada Xooga Gaarka ee DDS ay ku hareereyeen aaga “Hulhul”, waxaana la laayay dhamaanba Argagixisadii naf la caariga ahayd.

Kooxdan Argagixisada Alshabaab ayaa ujeedkooda iyo damacoodu ahaa in ay galaan Deegaanka Oromiya iyagoo raba in ay sii maraan Dagmada Celkari oo ay ku biiraan kooxda argagixisada ee Shane.
Argagixisada naf la caariga ee Al shabaab iyagoo an gaadhin halkii ay u socdeen ayaa waxaa laga gubay 13 Baabuur oo ay wateen, waxaana laga qabtay dhamaanba Hub, isgaadhsiin iyo Agabkii ay wateen.
Hawlgalka ay Ciidamada Xooga gaarka DDS ay qaadeen sadex dii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 100 xubnood oo ka tirsanayd Argagixisada Alshabaab.

Guusha ay gaadheen Geesiyada xooga gaarka ee Dawlada Deegaanka Somaalida iyo in la soo af jaro hawlgalka waxaa qayb libaax ka qaatay Shacabka Deegaanka Soomaalida , oo Ciidamada Xooga gaarka ah garab istaag heerkii usaraysay  umuujiyay, iyagoo ugu deeqay Raashin kala duwan, Xoolaha nool, Cabitaanno, Lacag iyo waliba Dhiig shubis.

Sidas darteed Golaha amaanka ee Dawlada Deegaanka Soomalidu waxa uu u mahad celinayaa shacabka Deegaanka oo sidii horayba loogu yaqiinay ugarab istaagay Ciidamadooda.
Ugu dambayn Goluhu waxa uu shacabka la wadaagi doonaa xogaha ku saabsan Hawlgalka.

Dhammaad


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.