Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Bacaadka guurguura oo boqollaal qoys gelinaya hubanti la’aan la xiriirta hoyga iyo nolosha

Sayid Cabdulaahi Xasan iyo qoyskiisa oo toddobo qof ah waxay muddo 25 cisho ah wajahayaan qabowga dabeysha xagaaga ee ka dhaceysa tuulada Dhinowda ee gobolka Mudug. Bacaadka guurguura ayaa barakiciyay markii saddexaad muddo labo sano gudahooda ah.

Wuxuu baday in xilliga habeenkii ah ay gabaad ka dhigtaan cooshad dhinacyada ka furan oo ay ka dhisteen duleedka tuuladooda.

Waxay ka mid yihiin in ka badan 800 oo qoys oo deggan deegaannada Kulub iyo Dhinowda ee bariga gobolka Mudug kuwaas oo xaalad hubanti la’aan ah uu galiyay bacaadka.

Sayid wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in labo guri oo ka koobnaa lix qol isla markaana kii u danbeeyay uu dhisay bartamihii sanadkii hore uu bacaadku aasay taasi oo rajo beel ku ridday.

“Guriga hadda aniga iyo caruurtayda aan ku suganahay waa guri jaqafyo, qoryo iyo baco la isku xir xiray. Halkaas baa noloshu nala gashay oo ku hoyanaa, guryo waa weyn baan ku lahaa oo dhagax ah, waa soo aasmeen waan ka soo guuray, dhowr sano oo isku xigta dhaqankaas baan ku jirnaa. Sanadkan bacaadkiina waa sii batay, marka rajo go’ baan ka nahay, tabar la’aan baa meesha na dhigtay,” ayuu yiri.

Ninkan oo kaluumeyste ah hoy la’aanta qoyskiisa waxaa u dheer biyo-yari, markii 12 ceel-gacmeed oo ku yaallay tuulada Dhinowda uu bacaadku aasay, wuxuu sheegay in si joogta ah uusan u iibsan karin biyo ay booyado keenaan.

Qoys ehelkiisa ah oo Jarriiban deggan ayaa mararka qaar ka caawiya lacag ay raashin iyo biyo ku iibsadaan, maaddama muddo ka badan bil uusan u shaqo tagin badda oo dabeylo xooggan ay ka dhacayaan. Wuxuu walaac ka muujiyay qiimaha biyaha oo sarreeya iyo tabar-yirida dhaqaale ee haysa.

“Fuustadii $15 baa laga baxshaa ma garatay, 50 km baana laga keenaa, aniga qoys ahaan markii tabar loo helo fuustadaas baan gadanaa,” ayuu yiri.

Degaankiisa waxaa degganaa in ka badan saddex boqol oo qoys, kuwaas oo aqallo cooshado ah ka dhistay duleedka tuulada, markii guryahooda uu bacaadku qabsaday sida uu sheegay maamulka deegaanka Dhinowda ee gobolka Mudug

Wuxuu xusay Sayid in uu dhib badan ku qabo cooshadda ay galaan qoyskiisa oo toddobaadkiiba mar uu dib u dhis ku sameeyo maaddama dabeyshu ay kala bitiso.

Dhinowda oo uu ku soo qaatay inta badan noloshiisa ayuu sheegay in uu ka quustay ku noolaanshaheeda isagoo qorshaynaya in uu helo deegaan nolol ahaan u dhaama.

“Markan waxaa igu celinaya tabar aan ku dhaqaaqaan baan la ahayn, hadaan heli lahaa wax yar oo kaalama ah oo aan meesha uga tago waxaan u haajiri lahaa dhul laga shaqaysan karo oo aan xoogayga kaga xamaasho, meel aan ku noolaadaan u carari lahaa hadaan tabaraan ku dhaqaaqo hayo, dadka hadda carada ka tagay qof walba meeshuu ku noolaan karuu aaday,”

Si la mid ah Dhinowda deegaanka Kulub oo 70 km u jira degmada Jarriiban waxaa dhibaato ku haya bacaadka. Qoysaska deggan ayaa la halgamaya iska moosiddiisa inkastoo dadaalkaas uu yahay mid qoys walba uu gaarkiisa u sameeyo.

Dadkaas waxaa ka mid ah Cabdi Yuusuf Kaarshe oo deggan tuulada Kulub, gurigiisa oo labo qol ka kooban ayaa khatar ugu jira in uu xabaalmo, waxaa se waqtigiisa ugu badan uu galiyaa iska moosidda bacaadka.

“Guriga irridiisa markuu soo galo badeel baa ku qaadaysaa guriga irridiisa baa dhaafinaysaa markaa dhaafisid dabayshaa horay u sii qulqul-siinaysa, kaas kugu soo noqon mahayo, 24-kii saacba waxaa la gurayaa ilaa sadex saac saddex saac oo aroornimo waa guraysaa saddex saac oo galabnimana waa guraysaa hadii kale iridaa xirmaysa ama deerka gurigiisa ka soo deganayaa,” ayuu yiri.

Cabdi saddexdii sano ee u danbeeyay ayuu ku jiray xaaladdan gaar ahaan xilliyada ay jiraan dabeylaha xagaaga ee dhaqdhaqaajinaya bacaadka guurguura, wuxuu sheegay in dhibaatadan ay u wehliso qiimaha raashinka oo qaali ku noqday.

Arrintan waxaa sababay darawalada gaadiidka ee taga Kulub oo qaaliyay qiimaha ay ku qaadaan dadka iyo raashinka, maaddama ay caqabad ku qabaan adeegsiga waddoonyin uu gooyay bacaadka.

“Jidkuu xirayaa dabeylaa ka dhacaya, waddooyinkii way nagu xirmeen, marka waxay noqotay raashinkii in dhib loo soo maro. Gaari wayn meeshii ka keeni jiray gaari yar baa lagu soo gurayaa, marka meeshii kiishka uu ku keeni jiray $5 kan $8 ama $7 buu ku keenayaa,” ayuu yiri.

Cabdi oo kalluumeyte ah wuxuu qoyskiisu ku tiirsan yahay raashin dayn ah oo dukaamada uu ka qaato. daynta ayuu xusay in uu iska bixin doono marka laga baxo bad-xiranka la galay.

Maamulka degmada Jarriiban oo ay hoostagaan tuulooyinka Kulub iyo Dhinowda ayaa Radio Ergo u sheegay in awoodda isi soo taraysa ee bacaadka ay halis ku tahay dadka, deegaanka iyo duunyada ku nool bariga gobolka Mudug.

Mursal Cabdulle Khalaf guddoomiye ku-xigeenka dagmada Jarriban ayaa tilmaamay in dooxooyin xooluhu ay ku haysteen daaq-wanaagsan toddobo sano ka hor hadda ay isku baddaleen dhul lama-dagaan ah oo bacaadku uu ka dulmaray.

Ol’ole dhir-beeris ah oo ay sameeyeen bilihii Octobar iyo Novembar ee sanadkii hore ayaa shaqayn waayay, markii ay caqabad kala kulmeen bacaadka tirada badan iyo roob la’aanta.

“Ilaa 500 qoys ayaan ka rarnay Dhinowday iyo Kulub iyo meelo la mid ah, waxaanu geynay dagmada Jariiban,”

Dadka ay soo daad gureeyeen oo guryahoodii uu bacaadku aasay ayuu tilmaamay in ay dulsaar ku yihiin qoysaska dagmada Jarriiban oo ka taageera dhinacyada cunnada, biyaha iyo hoyga. Wuxuu xusay, in bacaad-celinta in ay u baahan tahay awood dowladeed oo xooggan iyo qorshe dhir-beeris oo ballaaran si xal loogu helo halista bacaadka guurguura.

Xigasho: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.