Muqdisho, Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Suuq ku yaal dagmada Waabari ayaa lagu soo warramayaa in uu geystay khasaare naf iyo maalba leh. Qaraxa oo ahaa mid aad u xooggan ayaa galaaftay nolosha dad aad u badan oo qiyaas ahaan lagu sheegay 30 ruux, oo u badan dad dayid iyo ganacsato ah oo xilligaasi ku sugnaa suuqa ay dhibaatada ka dhacday., halka dhaawacyada la sheegaayo in ay gaarayaan tira intaasi ka badan.
Gaari Caasi ah ayaa la sheegayaa in loo adeegsaday qaraxa, waxaana u suura gashay Ciiddanka Ammaanka ee dowladda Soomaaliya in ay gacanta ku dhigaan wadihii gaariga oo la sheegay in uu hadda ku jiro gacanta laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale 3 ruux iyo geerish la sheegay in gaarigaasi lagaga soo raray waxyaabaha qarxa ay ayay hadda gacanta ku hayaan ciiddanka NISA ee Somaaliya
Ninkan ay ciidanka qabteen ayaa sheegay in ay ahayd ujeedadiisa in uu qarxiyo kolanyo gawaaria ah oo uu la socday madaxweynaha Soomaaliya oo xilligaasi ku sugnaa dugsiga 21 Ok. oo dib u dhis lagu sameeyay madaxweynuhuna uu furaayay.
Taliya Ciiddanka NISA Gaafow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay tahay nasiib darro in intaasi oo shacab ah sabab la’aan loo laayo, waxa uuna baaq u diray bulshada Soomaaliyeed isagoo ka codsaday in ay ka qayb qaataan la dagaalanka Kooxaha ku lugta leh falalka noocan ah.
Dadkii ku dhaawacmay qaraxii maanta ayaa qaarkood hadda waxa la sheegayaa in ay liidato xaaladooda Caafimaad.
Maxamed Nuur Amin
WardheeNnews, Muqdisho
Leave a Reply