Wararkii ugu dambeeyay dagaalada Kismaayo iyo dowlada oo baaq jeedisay

AHMogadisho:- 09,2013 (WDN) Inta la,ogyahay ilaa 13-ruux ayaa ku dhimatay halka tira intaasi ka badana ay ku dhaawacantay dagaal manta mar kale ka qarxay magaalada kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose.

Ciidamada Raaskambooni ee uu hogaamiya Xamed Madoobe ayaan guulo ka sheegtay dagaalka maalintii labaad ka dhacaya magaalada kismaayo, waxaana afhayeen u hadlay uu sheegay inay magaalada si buuxda gacanta ugu hayaan, ayna ka saareen kooxo uu sheegay in ay ahaayeen qas-wadayaal soo weeraray magaalada inkastoo dagaalka uu u dhaxeeyay ciidamad axmed Madoobe iyo maleeshiyo beeleedyo diidan Jubbaland.
dhanka kale mid kamid ah madaxweynayaasha Jubaland oo lagu gagacaabo iftiin baasto ayaan isna sheegay in ay dagaalka qeeb ka ahaayeen Ciidanka AMISOM ee Kenya ka socda ee ku sugan magaalada kismaayo.

Sida ay wararka sheegayaan dhaawacyada ayaa waxay caga cageynayaan ilaa labaatameeyo, kuwaasoo la dhigay Isbitaalka magaalada, iyadoo xaalada ay wali tahay mid cakiran.

C/naasir Seeraar oo ah afayeenka Jubbaland ayaa guul sheegtay waxa uuna qeexay in dagaaladii ka dhacay Kismaayo ay ku guuleysateen.

waxaa jira wali rasaas laga maqlaayo xaafada Via Afmadow taasi aa ah mid goos goos ah, magaalada bartamaheeda ayaa la soo sheegayaa in ciidamo iyo gaadiid fara badan oo dagaal ay ku hareereysan yihiin.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhinacyada dagaalamaya inay dagaalka joojiyaan, waxaana Wasiirka Arrimaha Gudaha C/kariin Xuseen Guuleed uu wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalada aan loo baahneyn iyo hubka madaaficida ee shacabka lagu garaacayo.

 

Dagaalada ayaana ah kuwo salka lasii galaayo qaab qabiil inkastoo hada uu yahay mid wali u dhaxeeyo laba kamid ah madaxweynayaasha Jubaland waxaana wali magaalada ka jira xiisad taagan taasi oo laga filan karo in xili kasta uu dagaal ka dhaco gudaha kismaayo.

Dadka degaanka Jubbaland ayaa ku baaqaya in dagaalada lajoojiyo maadaama uu xaalka colaada u egtahay mid qabiileed.

 

Maxamed nuur amiin

wardheernews.com

Muuqdisho

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.