Wararka OCHA Flash Update ee 2aad:Duufaantii Puntland

Guudmarka xaaladda: 

Gargaar ay kala direen maamulka Puntland, Qaramada Midoobey iyo lahawlglaayaal kale ayaa gaaraya degaannada ay dhibaatada ugu weyn soo gaartey, iyada oo waddooyinkii ay biyuhu xireen ay hadda furmayaan oo dayactirna lagu wado. Maamulka Puntland ayaa waddo looga wareego u sameeyey halka ay waddadu ka go’day ee u dhaxaysa Garoowe iyo Dangoroyo, taas oo fududeysey in sahay gargaar la geeyo degaanka. 

Puntland _duufaanQaramada Midoobey, ICRC, iyo la-hawlglayaashooda ayaa xarun hawgallada laga hoggaamiyo ka sameeyey Dangoroyo halkaas oo laga soo bilaabo 13kii Nofembar ay qaar ka mid ah meelaha ay dhibaatada ugu ba’an soo gaartey ka gaarsiiyeen agabka aan cuntada ahayn iyo sahayda caafimaadka ee degdegga loogu baahan yahay ayna sidoo kale cunto ka gaarsiinayeen laga soo bilaabo 15kii Nofembar. Daraaseyn dhinaca hawada laga sameeyey 15kii Nofembar ayaa lagu xaqiijiyey in dhismayaasha dhagaxa ah aaney badidoodu dhibaato soo gaarin waxaana daraaseyntaa lagu tilmaamey meelaha sahayda la sii mariyo ee u baahan dayactirka. Lama arkin barokacayaal tiro badan oo meel gaar ah ku ururey, in kasta oo aan la arkin aqal Soomaali taagan, wixii la arkeyna ay ahaayeen udbo aaney saarneyn kebdihii lagu dedayey. In kasta oo horumarkan la gaarey, haddana maamulka Puntland ayaa weli muujinaya sida aaney ugu faraxsanneyn nooca gargaarka la bixinnayo iyo xawaaraha uu ku socdaba.

 

 

Halkan ka akhri warbixinta oo dhan:Puntland cyclone

OCHA
Rita Maingi,
Information Officer,
Email: maingir@un.org,