Warar Dheeri ah oo Ka Soo Baxaya Weerrarkii Lagu Qaaday Baydhabo

Warar Dheeri ah oo Ka Soo Baxaya Weerrarkii Lagu Qaaday Baydhabo

Baydhabo,  (WDN)- Weerar iyo qarraxyo is xigay, ayaa lagu qaaday Xarrunta Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed (KGS) ee magaalada Baydhabo, iyadoo islamarkaana uu goobtaas  ka dhacay dagaal socday ku dhawaad laba saacadood.

shariif xasanDagaalka ayaa la sheegayaa in uu ahaa mid u dhaxeeya ciiddanka dowlada iyo kuwa AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga halkaas, waxayna ku guuleysteen inay soo afjaraan weerarkan oo ahaa mid  qorsheysan oo Al-Shabaab ku qaadday maanta oo khamiis ah xarunta Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo.

Mid ka mid ah dadkii goobta joogay xiliga weerarkani uu dhacay, ayaa warbaahinta u sheegay in ragga weerarka soo qaaday ay ahaayeen 5 ruux, isla markaana dhammaantood ku dhinteen weerarkaas.

Weerrarka ay kooxda hubeysan ku qaadday caasimada Maamuka KGS, ayaa waraku intaa ku darayaan in uu ku billowday qarraxyo iyo sidoo kale dagaal toos ahaa in kastoo mar danbe ay ciiddanka u suura gashay in ay ka guuleystaan dableydii weerrarka soo qaadday.

Madaxweynaha Maamulka GKS Shariif Xasan, ayaa la sheegayaa in uu nabad qabo xaaladdiisana hadda ay tahay mid wanagsan, islamarkaana aanay jirin wax dhibaato ah oo ka soo gaaray weerarkaasi isagoo xilligaasi ka mid ahaa dadka halkaasi ku sugnaa. Waa markii ugu horreysay ee uu Shariifku la kulmo weerar noocan ah tan iyo markii uu noqday madaxweynaha maamulkaasi.

Weli lama oga qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarka maanta lagu qaaday magaalada Baydhabo ee gobalka Bay, in kastoo warar madaxbannan ay sheegayaan in ay jirto dhimasho ka dhalatay weerarka halkaasi lagu qaaday.

Waxaa xilligan kacsan Xaaladda magaalada Baydhabo tan iyo markii uu weerarka bilowday, iyadoo dadkii ku sugnaa Faras-Magaalaha ay ka kala carareen halkaasi, markii rasaas wiifto ah goobahooda ugu tagtay, ciiddamada ayaana hadda la soo shegayaa in ay aad u feejiganyihiin si ay uga hortagaan weerraro kale oo goobtaas lagu qaaddo..

Maxamed Nuur Amiin
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.