Wararka naga soo gaarayo magaalada Kimsaayo ayaa sheegaya in qaar ka mid ah madaxweynayaasha ismagacaabay ee dagaalada ka waday magaaladaasi xabsiga loo taxaabay.
Iftin Xasan Baasto iyo Cabdi Baale Xuseen ayaa la xaqiijiyey inay Xabsiga ku jiraan oo ay gacantana ku hayaan ciidamada Kenya markii la sheegay inay dagaalkii Kismaayo saaka lagu qabtay.
Wararka qaar waxaa ay sheegayaan in uu baxsaday Barre aadan Shire Bare Hiiraale oo la socday xubnahaasi marka la xirayay.
Saraakiil katirsan dhinaca Barre Hiiraale iyo Iftin Xasan Baasto oo an qadka taleefoonka ay ku raadisay idaacada Wardheer ayaaysan usuuro galin sababa laxiriira xaaladda Ma’uliyiinta oo an daganeyn.
Waxii warar ah oo kasoo kordha arrintan kala soco Wardheernews.com
Leave a Reply