Walaac ka jira xiisadda siyaasaddeed  ee ka jirta Baydhabo

Muqdisho (WDN)- Xiisad siyaasaddeed oo soo kala dhexgashay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiin mucaarad ku ah, ayaa dhalisay walaac laga qabo in dagaalkaasi sii kordho.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku baaqay in xiisadda ka taagan magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ee dhextaala maamulka halkaasi ka arrimiya iyo siyaasiyiinta lagu dhameeyo miiska wada hadalka.

Madaxweyne Xasan oo xiisadda Baydhabo taagan ka hadlaya ayaa yiri “Waxaan aad uga xumahay wixii Baydhaba ka dhacay, walaalaha reer Baydhaba waxaan leenahay colaad waa taqaanaan ee wixii idinka qaldama iska saxa, dhamaantiin waxaa tihiin ehel  dagaalka iska dhaafa oo isku tura.” Waxa uuna madaxweynahu baaq u direy dhamaan waxgaradka iyo odayaasha reer Koonfur Galbeed isagoo ka codsadey in ay xiisadaan wada hadal ku dhameeyaan oo soo farageliyaan.

Md. Xasan Sheekh ayaa ka tacsiyeeyey shaqaaqadii ka dhacdey maalintii shaley ahayd magaalada Baydhabo ee dhimashada iyo dhaawada sababtey ee dhexmartey ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidan taabacsan siyaasiyiin maamulkaasi mucaaradsan, waxa uuna madaxweynaha xusay in  aan la joogin xilli halkaasi lagu dagaalamo maadaama dalka iminka uu dagaal kula jiro argagixisada.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaareyaashii hore ee dalka, Cabdiweli Maxamed Cali, Cumar Cabdirashiid  iyo Xasan Cali Kheyre ayaa war saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen ugu baaqay siyaasiyiinta iyo maamulka Koonfur Galbeed in ay wadahadal ku dhameeyaan khilaafooda, isla markaana xasiloonida deegaanadooda ay ilaashadaan. Waxa ayna si gaar ah Maamulka Koonfur Galbeed uga dalbadeen inuu hirgeliyo doorasho la isla ogolyahay oo ah taasi oo sababta xiisadda dhalisey.

Xiisadda ka taagan Koonfur Galbeed ayaa waxa ay ka dhalatey cabsi siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Koonfur Galbeed ay ka qabaan in madaxweynaha talada maamulkaasi haya uu muddo kororsi sameeyo, ay horey baarlamaanka maamulkaasi muddo 1 sano ah u meelmariyey. Taasina waxaa kasoo horjeestey siyaasiyiin badan oo uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee maamulkaasi.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.