Kismaayo (WDN) – Wakiilka cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Md. Nicholas Haysom, ayaa maanta booqasho ku yimid magaalada Kismaayo ee maamul goboleedka Jubbaland.
Md. Haysom ayaa wada-hadaloda uu la yeeshay maamulka Jubbland lagu wadaa in xoogga la saaro sidii wax looga qaban lahaa xurgufta siyaasaddeed ee soo kala dhex gashay Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada Soomaaliya. Taasi oo curyaamisay dhamaan howlihii iyo wada shaqeyntii ka dhaxeysay DFS iyo Maamul Goboleedyada xubnaha ka ah DFS, in kasta oo ay horey u sheegtay DFS in yasan qeyb ka noqon doonin wax wada hadal oo ay wado beesha caalamku.
Booqashada Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM uu ku yimid Jubbaland, ayaa u muuqata mid la rabo in lagu dardar geliyo dadaallada loogu jiro sidii loo furi lahaa wada hadal dhex mara Madaxweynaha DFS iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada.
Waxaa xusid muddan in DFS ay ka gaabisay dadaallo horey uu Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, iskugu dayay in uu ku dhexdhexaadiyo Maamul Goboleedyada iyo DFS.
Sidoo kale DFS ayaa horey u caddeysay in aysan diyaar u aheyn khilaafka Dowlad Goboleeyda, in ay Beesha Caalamku faraha la soo gasho, taasi oo u muuqata in DFS ay xoogga saareyso in aysan wax wada hadal furin tan iyo inta ay dhamaanayaan oo lagu kala baxayo doorashooyinka maamul goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Puntland oo lagu wado inay dhawaan qabsoomaan, oo ay filayso in ay ku soo baxaan dad ay maal gelisay oo la aragti ah Faramajo, Fahad iyo Kehyre.
Arimahaasi ayaa runtii dhalinaya rajo xumada laga qabo wada hadal iyo in xal waara loo helo wakhtigan xaadirka ah, khilaafka hadheeyay Soomaaliya.
WardheerNews