Muqdisho (WDN)- Wararka naga soo gaadhaya gobolka Hiiraan, magaalada Beledweyn ayaa sheegaya in diyaaraddii siday madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Md. Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh, oo ka tirsan wafdi ka socda Madasha xisbiyada Qaran, oo ay hogaaminayaan, ay ka degtay garoonka diyaaradaha ee Baledweyn, oo horey loogu diiday in ay cagadhigato.

Diyaaradda siday wafdiga, ayaa la sheegay in muddo lagu xanibay hawada, oo loo diiday in ka soo degto garoonka Baledweyn, iyada oo aan wax sabab ah laga bixin xanibaadaasi.
Waxa kale oo xusid muddan, in intii aynan ka soo duulin magaalada Muqdisho, wafdiga loo diiday socdaalkooda u qorsheysnaa ee Beledweyn, kaasi oo ku salaysanaa sidii gurmad iyo taakuleyn loogu fidin lahaa dadka ay waxyeeladu ka soo gaadhay fatahaada wabi shabeelle.
Dad badan oo indha-indheeya arimaha siyaasadda Soomaaliya, ayaa u arka xanibaadda iyo tacadiga lagula kacay madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, in ay tahay mid siyaasadeysan, oo ay ka danmbeeyaa madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
WardheerNews