Wafdi ka socda Jubbaland oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Axmed Madoobe oo ka degay Muqdishu

Wafdi ka socda Jubbaland oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Axmed Madoobe oo ka degay Muqdishu

Muqdishu (WDN)- Wararka naga soo gaadhaya Muqdisho, ayaa sheegaya in Madaxwynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Md. Axmed islaan (Madoobe), uu maanta gaadhay magaalada Muqdisho, isaga oo wadahadalo la yeelan doona Madaxa Sirdoonka Soomaaliya Md. Fahad Yaasiin, Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal Wasaare Kheyre.

Safarka Md.Axmed Madoobe ayaa ku soo beegmay xili xaaladda Muqdisho , iyo Dowladda Federaalka oo xasaasi ah, ka gadaal markii ay gadoodeen ciidamada Xoogga Dalka, ee qeybaha Shabeellada Dhexe iyo Hoose, iyaga oo ka cabanaya xuquuq la’aan iyo af lagaado ka soo gaadhay RW Kheyre, oo ay weheliso cabsi xooggan oo laga qabo Al Shabaab.

Ismaandhaaf xooggan oo u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, oo gabi ahaanba saameeyay wada shaqeyntii DF iyo Maamul Gobleedyada, ayaa la filayaa in doorka Jubbaland laga wada hadlo.

Maamul Goboleedyada ayaa ku eedeeyay DF in ay wado qorshayaal ay ku burburinayso, si markaasi ay xukunka u saarto dad maqaarsaar ah, oo laga hago Madaxtooyada Muqdisho.

Md Axmed Madoobe oo hormuud u ahaa qorshayaasha ay Maamul Goboleedyadu iskaga caabiyayaan DF, ayaa go’aanka uu la qaatay DF, ku tahay dhabar jab weyn, Galumudug iyo Puntland.

Dadka ka faalooda arimaha Soomaaliya, ayaa ku sheegay heshiska Jubbaland iyo DF mid ka soo dib maray wakhtigii uu ku haboonaa.

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.