Wafdi ka socda Dowladda Itoobiya oo Kismaayo u yimid wada hadal

Wafdi ka socda Dowladda Itoobiya oo Kismaayo u yimid wada hadal

Kismaayo (WDN)- Wafdi ka socda Dowladda Itoobiya, oo uu horkacayo Gabre Salaase oo ah sarkaal ka tirsan ciidanka Sirdoonka Itoobiya, ayaa maanta soo gaadhay magaalada Kismaayo. Wafdiga ayaa la sheegay in  ay iska soo raaceen magaalada Addis Ababa Taliye Xigeenka Sirdoonka Soomaalia (NISA) Md. Fahad Yaasiin, oo dhawaan booqasho qarsoodi ah ku joogay dalka Itoobiya, isla markaana ah shaksi lagu tilmaamo in uu gadhwadeen ka yahay hoggaanka arimaha siyaasadda iyo guud ahaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Fahad Yaasiin

Md. Fahad ayaa socdaal ku tagey dalka Itoobiya si uu dowladda Itoobiya uga dhaadhiciyo in ay ka caawiso sidii DF ay saameyn ugu yeelan lahayd doorashada Jubbaland.

Dhinaca  kale waxa wararku sheegayaan in Madaxweyne  Farmaajo uu Raysal Wasaaraha  Itoobiya  sidoo kale ka codsaday sidii ay Jubbaland  u ogolaan lahayd:
1) In dib loogu furo Jedwelka doorashada
2) In loo ogolaado  xubno ka tirsan DF in ay tagaan Kismaayo.

Wafdigaasi Itoobiya Sirdoonkeeda ka socday oo la kulmay xukuumadda Jubbaland, ayaa la sheegay in aynan ku guuleysan ujeedooyinkii ay u yimaadeen Kismaayo, iyada oo lagu war geliyay in arimahaasi ay mas’uul ka yihiin gudiga madaxa banaan ee Xuduuddaha iyo Doorashooyinka Jubbaland.

Arinkan ayaa dhabar jab weyn ku ah qorshaha Dowladda Federaalka ee ku aadan in Maamul Goboleedyada madax looga dhigo dad – maqaarsaar ah oo ay wataan Farmaajo, Fahad iyo Kheyre, si markaasi ay ugu fududaato higsiga doorashada 2021. DF ayaa horey ugu fashilantay doorashadii Puntland oo isla qorshahaas ay ka lahayd.

Dhinaca kale waxa jira warar sheegaya in wafdi ka socda beesha caalamku uu rabo in uu Kismaayo booqasho ku yimaado maalinta Khamiista ah, hase yeeshee ay Jubbaland ka cosdsatay in dib loo dhigo safarkooda. Arinkaasi oo aanay wali cadeyn qorshihii la isku af gartay.

Jedwelka Doorashada Madaxweyanaha Jubbaland oo maanta la shaaciyay, ayaa lagu wadaa in ay dhaceo bishan Ogost 19.

WardheerNews