Muqdisho (WDN)- Wafdi isku dhaf ah oo ka socda DFS iyo Dowlad Gobolleedka Jubbaland, ayaa maanta gaadhay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo. Wafdigaasi oo uu hogaaminayo wasiirka gaashaandhiga xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur, xubno ay ka yihiin xildhibaano, wasiiro maamulka Jubbaland ka tirsan iyo masuuliyiin ka socota hay’adda maareynta masiibooyinka.
![](https://wardheernews.com/wp-content/uploads/2022/12/ceelwaaq.jpg)
Degmada Ceelwaaqa oo ay ka jiraan dhibaatooyin dhanka bini aadanimada ah iyo ayadoo dhawaan 9-kii bishan Diisember 2022, ay ka dhacday iska-horimaad dhexmarey ciidamo kawada tirsan dawladda Soomaaliya. Taasi oo keentay dhimasho iyo dhaawac sababey oo
Ujeedada wafdiga xukuumadda dhexe iyo maamulka Jubbaland ee Ceelwaaq, ayaa lagu sheegay xal u helidda iskahorimadkaasi ciidanka, oo keenay dhimasho iyo dhaawac iyo sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka ay abaaruhu sida aadka ah u waxyeeleynayaan ee ku dhaqan degmadaasi.
Wafdiga ayaa kulamo la leh haatan masuuliyiinta maamulka degmada Ceelwaaq, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si ay xog uga helaan xaaladda, saamaynta abaaruhu deegaankaasi ku reebeen iyo sida ugu haboon ee wax looga qaban karo.
Sidoo kale wafdigaan ayaa ka shaqayn doona sidii ay xal ugu heli lahaayeen iskahorimadkii dhexmaray ciidamada.
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply