Muqdisho (WDN)- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Md. Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen oo maalmihii lasoo dhaafay wada hadalo uga socdey magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulkaasi, salka ku haya xal u helidda khilaafaadka u dhaxeeya siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed iyo maamulka halkaasi ka arrimiya, ayaa gaarey isfaham ku aadan xal u helidda khilaafaadkaasi.

Labada masuul ayaa soo saarey gunaanadkii kulamadii ay wada qaateen bayaan ka kooban dhawr qodob oo faahfaahinaya qodobada ay isla garteen, waxaana muhimad gaar ah ay siiyeen qabashada shirweynaha Koonfur Galbeed. Kaasi oo ay kasoo qeybgalayaan dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada Koonfur Galbeed. Qodobada heshiiska ayaa waxaa ka mid ah :
- Furitaanka shirweynaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo loo asteeyey 5-ta Janaayo 2023-ka, kaasi oo lagu qaban doona magaalada Baydhabo.
- In laga wada shaqeeyo xaqiijinta xasiloonida siyaasaddeed oo ku dhisan kalsooni, midnimo, sarreynta dastuurka iyo xeerarka dalka.
- In dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha dhaqanka, culimaa’udiinka, ganacsatada, dhalinyarada iyo haweenka ay si dhab ah qeybtooda uga qaataan dadaalada la dagaalanka kooxda argagixisada ah ee Alshabaab, oo ay hormuudka ka yihiin ciidanka xoogga iyo dhammaan qaybaha kale ee ciidamada qalabka sida.
- In la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqaynta u dhaxaysa hay’adaha dowladda ee heer (fedaraal iyo dowlad goboleed), si loo xaqiijiyo kalsooni buuxda iyo natiijooyinka wax ku oolka u ah dawladnimada si looga xoreeyo dalka kooxaha Khawaarijta oo Alshabaab ugu horeysa.
- In sida ugu dhakhsiyaha badan gudoomiyaha golaha shacabka uu soo magacaabo guddi heer farsamo oo ka shaqeeya dardar galinta shirka arrimaha dib-u-heshiisiinta.
Heshiiska maanta magaalada Baydhabo ay ku gaareen gudoomiyaha golaha shacabka Aadan Madoobe iyo madaxweyne Lafta Gareen, ayaa soo afjaraya khilaafaad u dhaxeeyay masuuliyiinta iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed iyo maamulka KG, kaasi oo cirka isku shareerey kadib markii ay soo ifbaxeen warar sheegaya in madaxweyne Lafta Gareen uu qorsheynayo inuu muddo kororsi samaysto iyo caburin maamulkaasi uu kusoo rogey siyaasiyiinta mucaaradka ah.
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply