Dooxada Marar ee degmada Tulli Guuleed oo la sheegayo in Oromadu mar kale ku soo rogaalcelisay

Jigjiga (WDN)- Wararka aan ka helayno caasimadda deegaanka Soomaalida ee Jigjiga, ayaa sheegaya in dooxada Marar oo ka tirsan degmada Tulli Guuleed ee gobolka Faafan ee deegaanka Soomaalida ay mar kale maanta maamulka Oromada ee degmada Jinacsani yimaadeen, iyagoo wata qalabka wax lagu qodo.

Biyoxidheenka Oromada hore looga joojiyay

Damaca Oromada ee ah in ay la wareegaan dooxada Marar iyagoo ugu marmarsiiyoonaya in ay ka qodayaan biyo-xidheen ay ka wada faa’idaysan doonaan shacabka labada degmo ee Tulli Guuleed iyo Jinacsani, ayaa ahaa mid soo taxnaa in muddo ah.

Deegaanka Soomaalidu ayaa horey u hakiyay mashruucaas ay Oramdu wadato, ka dib markii ay si xooggan uga soo horjeesteen shacabka degmada Tulli Guuleed, lagana baqay in ay dhaliso iskudhacyo dhex mara laba shacab ee labadaas degmo kala deggan.

Dhismaha mashruucan biyoxidheenka ah ee ay maamulka Oramdu doonayaan in ay ka hirgeliyaan degmada Tulli Guuleed ayaa ahaa mid aan habayaraatee laga tashan shacabka degmadaas iyadoo islamarkaana aanay kaba warhayn maamulka deegaanka Soomaalidu sida uu xaqiijiyay madaxweyne Cagjar laftiisu.

MW Cagjar

Ma cadda haddaba sababta xilligan keentay in Oramdu ay dib u soo nooleeyaan damacooda dooxada Marar iyo sidoo kale in ay hadda wax ka ogtahay xukuumadda deegaanka Soomaalida ee uu horjoogaha ka yahay Mustafe Cagjar.

Waxgarad ka mid ah shacabka degmada Tulli Guuleed oo ay WardheerNews la xidhiidhay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay difaacaan dhulkooda haddii ay arrintan si dhakhso ah tallaabo aga qaadi waayaan maamulka deegaanka Soomaalidu.

Tan iyo intii uu talada hayay madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa looga bartay in aanu habayaraatee wax dan ah ka lahayn dhulka deegaank Soomaalida, si kasta oo ay ugu soo xadgudbaan maamullada la jaarka ah ee Oromada iyo Canfartu, isagoo wax walba ka doorbidaya xilka maqaarsaarka ah ee uu ka hayo deegaanka Soomaalida, kuna raali galinaya maamulka Addis Ababa.

WardheerNews, Jigjiga.