By Maxamed Cabdullaahi
“Xilliyada colaadaha, nabaddu waxay timaadaa marka dhinacyada colaaddu dhextaal uu dhibku wada gaaro oo xanuunka iyo xumaanta dagaalkana ay wada dareemaan, heshiisna waxaa uu yimaadaa marka dhinacyadu ay ka wada hadlaan waxa runta ah ee ay isku hayaan”. Xikmaddii Cilmi Diiriye, 1991.
“Masaajidka ciyaarta ka daaya” Xikmaddii Fanaanad Maryan Mursal
Yaa wadahadlaya?
Dhalinyaro ka doodeysa wadahadallada Soomaaliland iyo Dowlada Federaalka ah, ayaa qofba meel ku dhuftay sababta wadahadalladani ay u jiitamayaan. Nin oday ah oo meel u yare dhow shaah ku cabayey, ayaa dhallinyaradii ku yiri “dhallinyaro wadahadallada ciyaarta ka daaya”. Qosol ka dib, wuxuu dhallinyaradii weydiiyey su’aasha ah “horta yaa wadahadlaya”. Waxaa loogu jawaabay “Soomaaliya iyo Soomaaliland oo saldhiggoodu kala yahay Muqdisho iyo Hargeysa”. Wuxuu weydiiyey oo yaa Soomaaliya ah, yaase Soomaaliland ah, micnaha yey kala metelaan.
Su’aashaas jawaabo kala duwan, ayaa laga bixiyey, wuxuuse odaygii yiri “dhallinyaroow halka sartu ka quruntay oo ay wadahadalladu u sii horumari waayeen waxay tahay iyada oo aan la qeexin Soomaaliya iyo Soomaaliland iyo cidda ay kala metelaan”.
Nin dhallinyaro ah, ayaa soo jeediyey si dooddu u sii socota in laga soo qaado in Soomaaliland-na tahay dhulkii Ingiriisku gumeysan jirey, Soomaaliyana tahay dhulkii uu Talyaanigu gumeysan jirey. Odaygii baa yiri “oo wadahadallada hadda socda dhinacyaadaasi ma u dhan yihiin, oo intii Ingirisku gumeysan jireyna ma wada socdaan, intii Talyaanigu gumeysan jireyna ma wada socdaan”?
Waxaa loogu jawaabay “maya”. Odaygii baa markaas yiri “taas haddii aan ka duulno amay ku fiicnaan lahayd in marka hore intii Ingiriisku gumeysan jireyna ay soo wadahadlaan intii Talyaanigu gumeysan jireyna ay soo wadahadlaan oo markaas wadahadal labada dhinac ah la isugu yimaado”.
Dooddii baa xirantay, waxaana khasab noqotay in la bedelo qeexiddii hore oo waxaa la yiri aan ka soo qaadno in Soomaaliland-na tahay deegaankii SNM kula dagaalantay kana xoraysay dowladdii militeriga ahayd, Soomaaliyana tahay inta ka soo hartay. Odaygii ayaa yiri, “haddii qeexiddaas la qaato dee sow noqon mayso in dowladda Federaalka ah ee hadda jirtaa aysan sharci ahayn maadaama lagu soo dhisay in ay wada metesho dalka sharciyan dunidda looga yaqaan Jamhuuriyada Soomaaliya oo uu ku jiro deegaanka SNM ka xoraysay dowladii militeriga ahayd”, wuxuuna sii weydiiyey “maxay tahay waxa runta ah ee haddaba la isku hayo, maxaase loo wejihi waayey haddiiba dhulku u kala qaybsan yahay oo arrintu sidaas u kala caddahay?”
Dooddu waxay iftiimisay in dhibka ugu weyn meesha uu ka jiraa ay tahay iyada oo aysan qeexnayn cidda wadahadlaysa iyo cidda ay kala metesho, taasoo hor istaagtay in laga wada hadlo waxa runta ah ee la isku hayo.
Maxaa la isku hayaa, maxaase lagu heshiin karaa?
Waxa runta ah ee la isku hayo waxaa lagu tilmaamaa “gooni-isutaag iyo midnimo”. Maadaama aan la qeexin cidda wadahadlaysa iyo cidda ay kala metelaan, waxaa adkaatay sidii qoddobkaas loo furi lahaa, haddiise qoddobkaas la furo waxaa muranka ugu horreeyaa ka dhalanayaa dhulka gooni-isutaaggu saamaynayo iyo dhulka uusan saamaynayn. Gooni-isutaaggu ma saamaynayaa dhulka ay degaan dadyowga diiddan gooni-isutaagga.
Tani waa sababta looga wadahadlayo qoddobo lagu sheego kuwo la iska kaashan karo sida nabadgelyada, deeqaaha dibadda laga helo, hawada Soomaaliya iyo la dagaalanka burcadbaddeedka, qoddobadaasoo nuxurkoodu yahay qaybsi dhaqaale.
Ma muuqato wax lagu heshiin karo, ilaa laga qeexayo cidda wadahadlaysa iyo deegaannada wadahadalladaasi saamaynayaan loona dhaadhacayo waxa runta ah ee la isku hayo.
Muqdisho laba ma oggolaan kartaa, Hargeysa-se laba ma isku heli kartaa?
Haddii dhinac la iska dhigo gooni-isutaadga, maxaa ugu dhow ama ugu habboon oo ay Hargeysa ku qanci kartaa oo ay dhaafsan kartaa go’aankeeda gooni-isutaagga? Kaftan dhab kama fogee, Hargeysa ma ku qanci kartaa haddii la isugu daro magaalo madaxda Soomaaliya iyo madaxweynaha dalka, Muqdisho-se labadaas midnimo ma ku bedellan kartaa? Hargeysa ma ku qanci kartaa haddii loo aqoonsado dowlad goboleedka ugu dhul weyn uguna faca weyn dowlad goboleedyada, heleysana cadka ugu weyn?
Dhinaca kale Hargeysa ma isku heli kartaa in Soomaali inteedii kale ay diiddo oo ku adkaysato go’aankeeda gooni-isutaagga haddana tiraahdo gobollada Sool iyo Sanaag ima diidi karaan. Haddii Hargeysa garowsato in aysan labadaas isku heli karin oo ay aqbasho in la qeexo dhulka ay metesho iyo deegaanka laga doonayo gooni-isutaagga, Muqdisho ma oggolaan kartaan in lagu taageero Hargeysa go’aankeeda gooni-isutaagga?
Micnuhu waa dalka Soomaaliland oo ka kooban gobollada doonaya gooni-isutaagga intay doonaan ha noqdeene.
Maxaa wadahadallada loogu qaban waayey dalalka Soomaaliya deriska la ah
Wadahadallada waxaa horey loogu soo qabtay dalalka Isutagga Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Ingiriiska, iyo dalka Turkiga. Miyey kaga haboonaan lahayd in lagu qabto dal ka mid ah dalalka deriska Soomaaliya la ah sida dalka Itoobiya oo saaxiib dhow la ah dowladda Soomaaliland iyo dowladda Federaalka ah. Su’aashaas jawaabteeda haddaan kaftan dhable ku cabirno waxay u muuqataa in Itoobiya maadaama ay taqaan Soomaaliya dal iyo dhul ahaan, Soomaalidana kala taqaan iyo cidda wadahadlaysa iyo cidda ay kala metelaan, ay oranayso sidii odaygii “wadahadallada ciyaarta ka daaya”, kana wadahadla waxa runta ah ee aad isku haysaan, kuna ekaada qola walbaa cidda ay metesho.
Maxamed Cabdullaahi
Email:waxsansheege@gmail.com
Leave a Reply