Wadaad Waa baa baryay!

Wadaad Waa baa baryay!

W.Q. Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq)

deeqBurburkii ka dib, waxa innagu habsaday wadaad xume (Bahal Gadh leh). Kaas oo  meel uu joogaba  isku caleemo saaray inuu dadka ka aragti dheer yahay, ka waayo aragsan yahay, ka aqoon badan yahay, kana wakiil yahay adduunka iyo aakhiraba (Sheekhal-kulli ). Sidaa darteed wax walba isagaa wax  laga waydiiyay; hadday siyaasad tahay, Suugaan tahay, Dhaqaale tahay, Caafimaad tahay, Fan iyo farshaxan tahay. Maya, wax lagama waydiin ee isaga ayaaba gacanta ku hayay oo loo daba fadhiisan jiray laamahan. Sababta oo ah dadkii ehelka u ahaa, ayaa dayacay amma iyagaa u gacan galiyay.  Tanina waxay keentay in ay bulshada wax walba u yeedhiyaan wadaaddadu, bulshaduna indho iyo dhego la’aan iska daba socoto. Sidoo kale Diintii waasica ahayd waxay ka dhigeen xadhig dhuuban oo caato ah , oo aad ku dul-socoto, oo go’aya haddii aad dhinacyada iyo kortaada eegto.

Sidaa darteed jiilalkii burburkii kacaamay oo aan anigu ka mid ahay iyo kuwii illaa lixdamaadkii kacay oo ay Hadraawi, Siciid Saalax iyo rag kale oo suugaanyahanno ahi ku jireen waxay ku dhaceen qafaskaa ma fikirayaasha. Taas oo ku beertay aamus, baqasho, anfariir iyo af kala qaad. Arrintaasu waxa ay dhalisay in aan  la arag suugaan miid leh iyo fan macaan  oo la curiyo, marka wax yar laga reebo. Sababtoo ah hal-abuurku wuxuu ku hana qaadaa meel xorriyad fikir iyo mid khiyaalba ka jiraan. Haddii uu labadan waayo, wuxuu noqdaa cantara-baqash iyo wacdi sida haddaba uu yahay. Waxaynu og nahay labaatan jir magaalo jooga oo haddana geel, geeri iyo guri’ ba’ay (naar) uun dabada haysta oo aan awoodin inuu fulkaanayaasha dareen ee gudihiisa ku jira si dhab ah u cabbiro. Waayo, waxa lagu barbaariyay nidaam maqal oo yeel ah. Kaas oo suugaanta iyo fikirkuba ay ku dhadhaan, kuna dhintaan.

Haddaba, waxaynu joognaa xilligii runta loo sheegi lahaa wadaad xumuhu inuu dadka ugu aragti gaaban yahay. Sidoo kale waxa la soo gaadhay  xilligii bah waliba ay ka soo ceshan lahayd laan aqooneedkii uu ka kufsaday. Waxa iyana la joogaa xilligii laga xorayn lahaa dhallinta ay qufulada ku jabiyeen ee noloshaba geerida ka jecel. Sidaa iyo siyo kaleba iyaga oo jira ayay farriintan hoose igaga timid walaal akhriska iyo baahintiisa jecel oo ku sugan magaalada Hargaysa. Waxaanay u dhignayd sidan:

buug“Walaal buuggii aad dhawaan soo saartay “Maan Guursadeen” oo aan qayb ka mid ah hayey ayaan damcay inaan Maktabad Buuggaagta iibisa oo Hargaysa ku taal u geeyo, dabadeedna waxay igu yidhaahdeen sawirkaa gabadha ee qaawan, ayaa buugga xumaynaya ee waxaad fartaa ninka qoray in uu sawirkaa meesha ka saaro, amma uu ku beddelo sawir gabadh jilbaab xidhan ee maxaan samaynaa?”

Farriintan oo nuxurkeedu intaa ahaa lama yaabin, waayo waxaan ogahay heerka fikirka bulshadeennu halka uu gaadhsiisan yahay. Waxa kale oo aan la socdaa wadaaddo aan dooh la odhan oo sidaa u dhex doobinaya.  Waxa kale oo kale oo iyana ah arrin marag ma doonta ah inaanay suuragal ahayn in wadaad xume wax laga waydiiyo suugaan iyo sheeko faneed.  Waxa kale oo aan suurta gal ahayn in qof ka tanaasushay qofnimadeedii (qarisay wajigeedii) aan jaldiga Buugga soo dhigo, waayo sawirka gabadhan quruxda badan ee murugaysani wuxuu xidhiidh la leeyahay magaca buugga. Waxa kale oo aan leeyahay wadaad xilka fanka iyo suugaanta dadkoodii baa baraarugay oo laguu daba fadhiisan maayo maanta ee qorshaha ku darso oo laamaha kale ee dadkoodu hurdaan ku koobnow.

W.Q. Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed-Deeq)

Email: Awliyo177@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.