WQ Dr. Maxamed Xirsi
Hordhac
Xidhiidhka Soomaalilaan iyo Soomaaliya waxa uu ka mid noqonayaa xidhiidhada cakiran ee ugu muddada dheer dunida ka jira. In kaste oo hadda 63 sannadood laga joogo midnimadii madmadowga badan lahayd ee labada dhinac, saluugga midnimadaa laga qaadayna uu ku bilowday sannad gudihii, haddana waxa uu dhabbo cunfi badan qaaday bilowgii siddeetaneeyada, qarnigii tagay, oo ay jabhad hubeysan iyo ciidanka dawladdu dagaal ka dhex bilaabmay. Burburkii ka dhashay dagaalkaasi waxa uu u xuubsiibtay kala-fadhi siyaasaddeed oo aan dhanna u dhicin. Ilaa maalinkii ay isu rogtay dagaalka hubeysan, waxa ay gaadhaysaa afartan sannadood oo aan xal loo hollan.
Meelo badan oo dunida ah ayaa ay ka dhaceen, kana taagan yihiin, qaddiyado jiitamay. Falastiin iyo Israa’iil, Koonfurta iyo Waqooyiga Kuuriya, Shiinaha iyo Taywaan ayaa ka mid ah qaddiyadaha dalleed ee jiitamay. Ha se ahaato e, waxa ay kaga duwan yihiin middan Soomaalilaan iyo Soomaaliya waxa ay isugu jiraan kuwo iskood isu xalliyay, sida midda labada Kuuriya, iyo kuwo laga galay isku-dayo badan sida arrinta Falastiin iyo Israaiil. Taywaan iyo Shiinaha ayaa iyagana laga gaadhay is-afgaradyo ay ugu mug weyn yihiin in hal Shiine dunida ka jiro iyo in aan xoog lagu raadin xalalka siyaasiga ah ama aan awood lagu beddelin sida loo kala fadhiyo.
Sidaas oo tahay, dadaallo badanna loo galay sidii Soomaaliya oo burburtay dib loogu yabyabi lahaa loona heshiisiin lahaa, haddana ma ay dhicin in si gaar ah loo galo ama xal la isugu dayo qaddiyadda Soomaalida dhextaaal ee ‘Soomaaliya iyo Soomaalilaan’. In badan oo ka mid ah naqwada Soomaalidu waxa ay isku dayeen in ay ku dhex xalliyaan ‘wada-hadallo loo qabtay ergooyinka qabiilladii uu dalku u kala daatay. Hawl-fudeydiyeyaasha shisheeye ayaa, iyaguna kula dhaqmay arrintan hannaan labo tubood leh; Soomaalilaan oo gaar ah una baahan xal goor dambe ah oo ku yimaadda wada-hadal ay la gasho dawladda ka dhalan doonta Soomaaliya, iyo Soomaalilaan oo ka mid ah tubta dawlad loogu dhisayo Soomaaliya lagana martiqaaday ergo ku metasha dhammaan shirarkii loo qabtay
Soomaalida. Siyaasaddaas tubaha badan ee ay dunidu kula dhaqmaysay Soomaalida, maamulladii Soomaalilaan u kala dambeeyay oo ka cagajiiday in ay wax xidhiidh ah la yeeshaan dhinacyadii ku ismanaa maamulka Soomaaliya, iyo maamulkaas oo aanay in badan waxba faraha ugu jirin ayaa beerdarreeyay fursad kaste oo wada-hadal ilaa la soo gaadhay 2012-kii oo markii ugu horreysay lagu riixay Soomaalilaan in ay ka qaybgasho shir loo qabtay dhinacyada Soomaalida, iyada oo loo tixgalinayo ka-gaar ahaanteeda siyaasadeed. Si kale, iyada oo lagula dhaqmayo isla hannaankii labada tubood lahaa; waa Soomaalilaan oo ka mid ah dhinacyada Soomaaliya, haddana ka gooni ah. Shirkaasi waxa uu ibafuray, markii ugu horreysay, wada-hadallo u curtay Soomaalilaan iyo Soomaaliya oo ku bilowday habxume-u-socod gaagax ah oo hadba dhakhso u gudha.
Milicsi Taariikheed:
Midowgii Soomaalilaan iyo Soomaaliya kuma iman wada-hadallo siyaasaddeed. Ka-bixiddii Soomaalilaan ee midowguna, sidoo kale, kuma iman wada-hadallo siyaasaddeed oo labada dhinac dhex maray. Midowgu, weligii, ma noqon mid la isku wada raacsan yahay, waa se loo kala batay. Ka bixidda midowgu, sidoo kale, weligeed ma noqon mid la isku wada raacsan yahay, waa se loo kala batay. In sida loo badan yahay laga soo qaado in la isku wada raacsan yahay waa siyaasadda dabiiciga ah, dunida oo dhan. Ha se ahaato e, waa in ay hesho sharciyad gudaha iyo mid dibadeed oo, sida badan, ku timaadda wada-hadallo iyo heshiis laga wada-xaajooday qodobbadiisa.
Saddex iyo lixdan sannadood ka dib, waxa weli lagu muransan yahay in uu midow sharci ahi dhacay iyo in kale. Hannaanka sharci kolka la eego, ma dhicin heshiis midow oo ay labada dhinac kala saxeexdeen, mana jiro xeer midow oo mideysan oo ay labada dhinacba ansixiyeen. Wareegto Madaxweyne oo lagu meelmariyay midowgana looma beddelin xeer dhaqangal ah. Toddoba bilood ka dib isku-biirka, ayaa ay Xukuumaddii Jamhuuriyadda ‘Soomaalida’ ee curatay ku baraarugtay in aanay midnimo sharci ahi dhicin. Bishii January, 1961, ayaa dib loo qoray Xeer Midow oo laga ansixiyay Baarlamaankii ku midoobay hannaankii la aqoonsaday in aanu sharci ahayn. Xeerkan dambe ma ay ansixin labada dhinac ee midoobay e, waxa cod hal-dheeri ah ku ansixiyay baarlamaankii isku jiray oo ay in ka badan 2/3 ka soo jeedeen Soomaaliya (Soomaalilaan ma lahayn fursad iyo cod ay ku diidi karto ama wax kaga beddeli karto). Xeerkaas la ansixiyay January, 1961, ayaa lagu sheegay in uu dhaqangal noqonayo July, 1960 oo ka dhigan in uu yeelanayo dhaqagal raad-dambeed leh (retroactive)[1] (Foreign Areas Studies, 1982). Marna ma noqon xeer midnimo oo ay labo dhinac ansixiyeen e, waxa uu noqday xeer nidnimo oo ay diyaariyeen, ansixiyeenna, xukuumad iyo baarlamaan mideysan oo ay sharciyaddooda midnimo duran tahay.
Midnimada sidaas ku timid waa lagu qasbanaaday, laakiin lagu ma qancin, sida ka muuqatay marxalad kaste iyo dhacdo kaste oo ku saabsanayd qarannimada sida dhisiddii xukuumadda, aftidii dastuurka, gadoodkii cashuurta iyo mideynta mushaharaadka, iyo isku-daygii afgambiga militari ee Soomaalilaan oo intuba muujiyay in aan Waqooyi intiisa badan lagaga qanacsanayn nidaamka ka dhashay midowga. Dhacdada ugu dambeysaa waxa ay mudan tahay fiiro gaar ah. 10-kii Diisember, 1961, ku dhawaad sannad ka dib markii la dhaqangaliyay xeer cusub oo midnimo oo leh raad-dambeed, ayaa ay saraakiil reer Soomaalilaan ahi maleegeen afgambi ciidan oo ku kooban keliya Soomaalilaan, ujeedadiisuna tahay in midowga lagu buriyo. Sida caadiga ah, afgambi kama dhaco gobol ama meel aan ahayn xarunta looga taliyo dalka. Waxa ay saraakiishu ku kaceen waxa uu dhab ahaan ahaa fallaagow ciidan. Hase ahaatee waxa ay saraakiishan iyo in badan oo reer Soomaalilaan ahi ku tilmaamaan afgambi, waxana ay u badan tahay in saraakiishan laftoodu ku fikirayeen in ay afgambi ciidan ka sameeyaan mid ka mid ah labadii dal ee midoobay, si ay uga saaraan midnimada ay u arkayeen mid aan xaq iyo sharci toona ahayn.
Afgambigani waa uu dhicisoobay, saraakiishii maleegtayna waxa la saaray maxkamad. Wax dambi ah waa lagu waayay, sababta oo ah ma jirin xeer qabanaya saraakiishan oo aan u dhaaran dawladda lagu midoobay ee Soomaalida[2] (Nur, 2018). Ka dib xukunkaas wiiqay sharciyaddii dawladda, waxa ay xukuumadda baabiisay dambigii oo waxa ay sheegtay in ay cafiday saraakiishan, taasi waxa ay dalka ka saartay garsoorihii xukunka riday oo Biritish ahaa. Mar kale ayaa ay dibedda timid in aanay midnimadu sharci ahayn, haseyeeshee lagama wada-hadal. Diidmada aftida Dastuurka lagama wada-hadal, kacdoonkii ciidanka lagama wada-hadal, goldaloollada sharciga lagama wada-hadal. Haba yaraatee waxba lagama wada-hadal.
Muddo ka dib, waxa xilka ugu sarreeya fulinta dalka qabtay Ra’iisal Wasaare Soomaalilaan ka soo jeeda. Waa Maxamed Xaaji I. Cigaal oo ahaa ninkii Soomaaalilaan ku hoggaamiyay midnimadaa fool-eriga ahayd. Cigaal ma uu muujin in uu dhugmo u leeyahay dareenka dadkiisa ee ku aaddan midowga la galay, mana uu dhaadin hiyiga Soomaali oo dhan ee ku aaddan dawlad ku dhisan xaqsoor, xorriyad iyo horumar oo leh gobonimadii lagu asteeyay Maandeeq. Waxa uu sii toociyay siyaasaddii hardanka naqwada siyaasaddeed iyo qabiillada. Waxa uu dadaalkiisa oo dhan galiyay in uu mucaaradkiisa kaga adkaado xirfadda musuqmaasuqa, waxana uu siyaasad dabacsan ka qaatay qaddiyadihii waaweynaa ee Soomaalida sida gobolladii aan weli xoroobin. Waxa uu ku muteystay in ay xukunka ka tuuraan Ciidankii Xoogga Dalku oo uu galo 12 sannadood oo ah xabsi, si uu u jabiyo mid ka mid ah rikoodhada xadhigga siyaasiga ah ee taariikhda Soomaalida; waxa uu ahaa siyaasigii labaad ee soo mara xidhiggii siyaasi ee ugu dheeraa, ka dib Yuusuf-Bardacad.
Taliskii ka dhashay afgambigaasi waxa uu talada hayay 21 sannadood oo uu dalku ahaa xabsi dusha ka furan oo ku soo dhammaaday burburkii ugu darnaa ee ay Soomaalidu la kulanto inta taariikhdeeda la xusuusto. Magaalooyinka Soomaalilaan, intooda badani, markan ayaa ay saamiga ugu weyn ka heleen wax ay Soomaali wadaagtay. Ma jirto magaalo Soomaaliyeed oo u burburtay sida Hargeysa. Haba yaraatee waxba laga lagama wada-hadalin.
Dawladdii Soomaalida, oo uu magaceeda ugu dambeeyay ahaa ‘Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga Soomaaliyeed’, in kaste oo si qaldan dunida looga hirgaliyay ‘Soomaaliya’ oo ah magaca mid ka mid ah labadii dhinac, waxa ay burburtay 1991 oo uu diktaatoorkii talisku ka cararay Muqdisho. Lagama wada-hadlin waxii dhacay waxa ay u dhaceen, lagamana wada-hadlin waxii midowga ka qaldamay. Waxa, keliya, la sii ambaqaaday loollankii awoodda ee Muqdisho. Arrintaasi waxa ay sii xoojisay garabkii aadka u saluugsanaa midowga ee Soomaalilaan oo degdeg u meelmariyay qorshihii la noqoshada madaxbannaanida. Waxii ka dambeeyay 1991, waxa Soomaalilaan ka dhacay shirar badan oo inta lagaga hadlayay nabadeynta qabiillada iyo xoojinta amnigu ay ka badnayd inta lagu falanqeynayay siyaasadda.
Soomaaliya, iyadana, waxa dalka dibeddiisa loogu qabtay shirar badan oo ay dunidu hagaysay lagana hadlay qaabkii dib loogu dhisi lahaa dawlad. Hase ahaato e, muddo 21 sannadood ah, ka dib burburkii dawladda, marna ma uu dhicin wada-hadal u dhexeeya Soomaaliya iyo Soomaalilaan oo lagaga wada-xaajooday qaddiyadaha midowga iyo kala-tagga. Arrintaas oo loo aaneeyo dawlad la’aanta Soomaaliya iyo diidmada Soomaalilaan ee in ay la hadasho maamulladii aan hanaqaadka ahayn ee laga dhisi jiray Soomaaliya.
Sidaas oo ay tahay, waxa saameynteeda ugu mudan lahayd in Soomaalida iyo dunida ku leg leh midna aanay daneyn arrinta Soomaalilaan iyo Soomaaliya, kolka ay galayaan siyaasadda Soomaalida ee ay qabyaaladdu murgisay.
Tubtii Wada-hadallada Soomaalilaan iyo Soomaaliya:
Bishii Feebarweri, 2012, ayaa ay Soomaalilaan, markii ugu horreysay, ka qaybgashay ‘Shirkii London ee Soomaaliya’. Waxa uu ahaa isbeddelkii ugu weynaa ee ay Soomaalilaan ka sameyso siyaasaddeeda arrimaha dibedda. Waxana ay dhalisay dood badan oo ku saabsan mawqifkan. Haddii la tixgaliyo doodda labada dhinacba, waxa Siilaanyo lagu tilmaami karaa hoggaamiyehii ugu dhiirranaa ee Soomaalilaan soo mara oo fura irridda wada-hadallada, isla markaana dhaqaajiyay biyo fadhiyay labaatan sannaddood. Dhanka kale, waxa lagu tilmaami karaa hoggaamiyehii dabciyay qaddiyadda Soomaalilaan una muujiyay in ay tahay arrin sal-fudayd lagu dayi karo. Dawladda Biritan ayaa culeys badan ku saartay xukuumadda Siilaanyo in ay ka soo qaybgasho shirkan oo ay u qabanaysay qaybaha Soomaaliya. In kaste oo uu ku adkeystay in aanu shirkaa uga qaybgalayn si la mid ah qaybaha kale ee Soomaaliya, loona oggolaaday in uu ka jeediyo doodda Soomaalilaan ee ka baxsan xayndaabka Soomaaliya, haddana waxa uu shirkaasi sabab u ahaa in qayb ahaan la laalo xeerkii reebayay in galaangal siyaasaddeed lala yeesho Soomaaliya. Waxa shirkaas xigay kulan fool-ka-fool ah oo ay Siilaanyo iyo Sheekh Shariif yeesheen, bishii Juun ee sannadkaas, kagana wada-hadleen arrimo door ah, muhiimmada ugu weynina ahayd in ay ibafur u noqdeen wada-hadallada Soomaalilaan iyo Soomaaliya.
Intii u dhexeysay 2013 ilaa 2020, waxa qabsoomay toddoba kulan oo ahaa wada-hadallo rasmi ah oo ay fududeeyeen dalalka Turkiga, Imaaraatka, Jabuuti iyo, mararka qaar, diblumaasiyiin reer Galbeed iyo Itoobiya ah. Dhammaan wada-hadalladaasi waxa ay ka sinnaayeen in laga maagay gude-galka arrimaha masiiriga ah iyo ubucda khilaafka siyaasaddeed. Toddobadaa sannadood (7), waxa heshiisyo ka soo baxay:
1) In aan kaalmada caalamiga ah la siyaasaddeyn,
2) In hannaan gaar ah ay Soomaalilaan ku hesho mucaawanada ama qaadhaanka dibeddeed, 3) In aan la siyaasaddeyn waxii kaalmo horumarineed ah,
4) In si wada-jir ah loola soo wareego maamulka hawada loona saaro guddi iyo
5) In laga fogaado waxii wax u dhimaya geeddi-socodka wada-hadallada iyo turxaan bixinta.
Halkan ka akhri maqaalk oo dhan: Wada-hadallada Soomaalilaan iyo Soomaaliya
Dr. Maxamed Xirsi
Email: [email protected]
[1] https://www.marines.mil/Portals/1/Publications/Somalia%20Study_1.pdf
[2] https://www.horndiplomat.com/2018/02/21/the-rebirth-of-somaliland-4-the-1961-aborted-military-coup/
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.
WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.
WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.
Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved