Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Waa Tuma Rebecca Lolosuli?

W.Q. Cabdirisaaq Baraag  

Rebecca Lolosuli

Rebecca waa haweeney Keenyaan ah oo reer Samburu ah. Waxa ay 1962 ku dhalatay tuulada Wamba. Dugsi dhexe yay ka gaartay waxbarashada iyo kalkaalisanimo ay ka gaabisay lacag waxbarasho la’aanteed. Sidaas darteed, iyada oo 18 jir ah ayaa ay xaas noqotay. Ganacsi ayay si iskeed ah u abuuratay. Rag ayaa baaday ninkeeda oo safar ku maqan. Ninkeeda oo ay muddo sugaysay ayaan dhacaas ka dhiidhiyin, taasi na waa sababta ay saygeeda uga tagtay. 

Dhaqanka reer Samburu waa mid aad u liida oo dumarka aad ugu daran. Dumarku wax shaqo ah kuma lahan go’aamada nolosha iyo hoggaanka xitaa kan qoyska iyo/ama carruurta ay iyagu dhaleen. 

Haddii ay doonaan raggooda ayaa garaaca. Goorta ay ka carooto saygeeda, xigtadeeda hal dhabbo ayaa u furan taas oo ah in ay ninkeedii u soo celiyaan goortaas oo ciqaabtii ay horay uga soo carartay halkeedii uga billaabato. 

 1990 iyada oo 30 jir ku dhaw ayaa ay Rebecca go’aan ku gaartay in ay xal u hesho wax uun ka mid ah dhibaatooyinka jinsigeeda daashaday. Waxa ay aasaastay magaalo ragga ka caaggan taas oo magangalisa dumarka lagu tacaddiyo. Nafteeda iyo 14 dumar ah oo kale ayaa ay ku billowday. Waa tuulada Umoja. 

Umoja 380 km ayaa ay Waqooyi-bari ka xigtaa magaalamadaxda, Nayroobi. Iyadu waa aag dumarku ka taliyaan. Waa aag nabad ah. Maanta erayga ugu horreeya ee ilmaha Umoja ku af barto waxaa la ogaaday in uu yahay ‘jacayl’. Reer Amoja agtooda nacayb, canaan, dagaal, xurguf iyo hardan mid na ma yaallo. Waxaa waagu baryaa iyada oo duqaydu heesayso, waxaa na gabbalku dhacaa iyada oo dhashu giisayso. 

Waxa ay leedahay dugsi H/Dhexe. Ganacsi dahabka iyo kuuluhu ugu mudan yihiin ayaa ka jira. Dalxiisayaal ayaa soo booqda. Hoggaanka tuuladu waa mid dunida la dhaqanta. 2005 New York ayaa lagu martigaliyay si ay isu-imaadka Qaramada Midoobay ula hadasho; 2010 na waxaa la guddoonsiiyay Abaalmarinta Caalimiga ah ee Hoggaanka taas oo la siiyo dadka u hadla kuwa aashuunka ku addima tabardarro darteed. Iyadu waxa ay la kulantay hoggaamiyayaal caalami ah kuwaas oo aynu ka tusaalayn karno Xogyahii Dibadda waagaas ee Maraykanka – Murwo Hilary Clinton. 

Rebecca waxa ay guul ka qaartay qorshaheedii nabadsiinta hooyooyinka nolosha raggu ku ciriiray. 2019 waxa ay Umoja hoy u ahayd 47 qoys iyo in ka badan 200 oo caruur ah kuwaas oo nabad iyo xasilooni ku nagi. 

Rag aad u yar ayaa laga oggolyahay Umoja. Labo qaab ayaa ay ku soo galaan. (I) Waa rag aad u tabar yar kuwaas oo oggolaaday: 1) Sinaanta dumarka iyo ragga. 2) Hoggaanka dumarka. 3) Joojinta gudniinka fircooniga ah; iyo 4) Guurka hal xaas. Ragga caynkaas ahi waa kuwo aad u yar oo banaanka tuulada ka yimaada si ay ugu noolaadaan haddii guddi dumar ahi oggolaado. 

(II) Hal qaab oo kale oo nin reer Umoja ku noqdo waa in uu ku dhashay tuulada ama isaga oo aad u yar ay hooyadiis la timid maxaa yeelay xeerarka Umoja waa kuwo dhaqan ahaan ku shuban, ku diyaarsan oo la hubo in uu shaqagalin doono goorta aw gashi gaaro.

W.Q. Cabdirisaaq Baraag

Email:  [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.