Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Villa Soomaaliya oo billawday qorshe ay ku laaluushayso Xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed

Baydhabo (WDN)- Warar lagu kalsoonyahayl ah oo soo gaadhay WardheerNews, ayaa sheegaya in 25 xildhibaan oo ka tirsan golaha Baarlmaanka Koonfur Galbeed, loo qaaday Muqdisho maanta oo ku beegan bishan Oktoober 31, 2018.

Qaadista 25 xildhibaan, ayaa qeyb ka ah qorshe ay wadaan Farmaajo, Fahad iyo Kheyre, oo la rabo in heshiis lala galo 120 xildhibaan ( cod aqlabiyad), ee maamulka Koonfur Galbeed, qaab ku salaysan musuq ama cod iibsi.

Xildhibaanadaasi ayaa loo fidiyay martiqaad in ay yimaadaan Muqdisho, si ay wada tashi ula yeeshaan Farmaajo, Fahad iyo Kheyre,  islamrkaana ay codkooda u siiyaan mid ka midah  murashaxiinta jagada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ay DFS taageerayso.

Qaar ka mid ah xildhibaanadaas Muqdisho lagu martiqaaday, oo ka gaabsaday in magacyadooda la xuso, ayaa WardheerNews u xaqiijiyay in madaxtooyada Soomaaliya ugu yeertay  wadtashi la xidhiidha arrimaha doorashooyinka madaxtinimo ee maamulka Koonfur Galbeed.

Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa  bisha Noofember 17, ka dhacaysa magaalo madaxda KMG ee Baydhabo.

Xildhibaanada ayaa muddo gaaban gudahood la qorsheynayaa tiro ku dhow 120 in Muqdishu la geeyo, si markaasi ay heshiis ula galaan Farmaajo, Fahad iyo Kheyre, iyaga oo markaasi codkooda la qorsheynayo in ay siiyaan murashaxiinta ay DF taagerayso, kaasi oo lagaga  gadan doona codka xildhibaanada hantidii shacabka Soomaaliyeed.

Wararka naga soo gaadhaya Baydhabo, ayaa waxay intaa ku darayaan in Madaxweyne Shariif Xasan uu dacwo la xidhiidha faragelinta qaawan ee ay Dowladda Federaalku ku heyso doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed, gaadhsiiyay Xafiiska QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya, iyo Dowladaha kaleeto ee ka tirsan beesha Caalamka ee daneeya arimaha Soomaaliya .

Md. Shariif Xasan ayaa sheegay in DFS iyada oo adeegsanysa hantdii dalka, in qaab musuqmasuq qaawan ugu soo saarto dad magac u yaal ah oo ay rabaan doorashooyinkaasi in ay ku soo baxaan.

Maamulka Farmaajo ayaa tan iyo intii ay xilka la wareegeen dadaal ugu jiray sidii uu dhammaan awoodaha kala duwan ee dawladda ay gacanta ugu dhigi lahaayeen, iyagoo hore ugu guulaystay in hantiyaan guddoonka baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.