Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Tirada musharaxiinta ka haraysa doorashada madaxweynaha oo sii kordhaysa

Daahir Geelle

Muqdisho, Iyadoo maalinta berri ah la filayo in ay ka qabsoonto magaalada Muqdisho doorashada madaxweynaha, ayaa waxaa isa soo taraya musharaxiinta ku dhawaaqaya in ay ka hareen tartanka doorashada, waxaana ugu danbeeyey oo sheegay inuu isaga haray doorashada danjirihii hore Soomaaliya u fadhiyey Sacuudiga, horena usoo noqdey wasiirka warfaafinta Md. Daahir Maxamuud Geelle.

Qoraal uu soo saarey Daahir Geelle ayuu ku sheegay inuu ka haray loolanka doorashada madaxweyne ee maalinta berri ah dhici doonta, waxa uuna u mahadceliyey xildhibaanada labada aqal iyo taageeriyaashiisa isagoo tilmaamay inuu sii wadi doono qorshayaalkiisa ku aadan ka qeybqaadashada toosinta nidaam dawladnimo Soomaaliya.

Mudane Daahir ayaa ku yiri qoraalkiisa “Waxaan marka hore u mahadnaqayaa Alle, marka xigana kooxda iyo taageerayaasha olohayga murashaxnimo. Waxaan si rasmi ah u shaacinayaa in aan ka haray tartanka doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xilli doorasheedkan, aniga oo sii wadi doona dadaalada aan ugu jiro toosinta iyo horumarinta siyaasadda Soomaaliya” 

Daahir Geelle kuma xusin qoraalkiisa sababta ku kaliftay xilligan in uu ka haro doorashada.

Waxaa sidoo kale jira siyaasiyiin ay ka mid yihiin madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariim Xuseen Guuleed iyo Cabdinaasir Cabdulle Maxamed oo iyana wararku sheegayaan in ay u tanaasuleen musharax C/raxmaan CabdiShakuur Warsame.

Saacadaha soo socda ayaa la filaa in musharaxiin kale ay iyaguna ku dhawaaqaan in ay isaga hareen doorashada.

Waxay arrimahani kusoo aadayaan xilli saacado kooban ay ka harsantahay doorashada, waxaana socda dhaqaaqyo iyo dadalo xooggan oo mushrixiintu ku xodxodanayaa xubnaha baarlamaanka labada aqal iyadoo lagco iyo ballanqaadyo kale.

Ammaanka magaalada muqdisho ayaa aad loo adkeeyay siiba aagga la filayo in ay doorashadu ka dhacdo teeendhada Afisyooni.

Mohamed Cumar Aden.

Wardheernews, Muqdisho


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.