Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Tiraab-curinta Toolmoon: Rooxaan (Sheeko Gaaban)

W.Q. Siciid jaamac Xuseen

Arar

Anigoo mar wax ka tilmaamaya quruxda, libinta, iyo liibaanta Af-Soomaaligu leeyahay ayaan qoray: “..inkastoo aynu niri Af-soomaaligu waa ereyo kooban yahay marka afaf kaloo badan la barbar dhigo, haddana rogrogga ereyga, is-qabadsiinta laba erey, qodobka gadaal ama hore ka raaca ereyga, meesha uu had walba ereygu weedha kaga jiro, iyo kuwo kaloo badan  ayaa isla ereygii siinaya micnayaal fara badan oo si fudud loo kala  garan karo.”

Tallaabooyinka soo socda ayaan ku dhaqaaqay si aan odhaahdaas marag iyo markhaati adag ugu helo, aanay noqon mid cidla-ka-faan iska ah. Erey Soomaali ah ayaan doontay oo xushay.  Waxaan helay ereyga ‘DEG’ oo aad u gaaban.

Waan kala furfuray, rogrogey intuu u kala bixi karo.  Mid walba micnahiisa ayaan ku hor qoray. Ereyadii isku asalka ahaa, ee misna kala micnaha ahaa ayaan mid walba weedh iskeed u taagan geliyey.

Intaas markaan kasoo jeestey ayaan is-weyddiiyey: ‘Halkaas ma laga sii durkin karaa, iyadoo weli mawduucii quruxda iyo  hodontinimada Afka lagu jiro?’  Su’aashan ayaa ii geysey inaan isla ereygii aan weedhaha ka sameeyey ku dayo inaan la beegsado sheeko-curin oofin  karta shuruudaha sheeka-qoristu u baahan tahay aan marna sahal ahayn.

Sheekadan gaaban ee ‘ROOXAAN’ ayaa ka dhalatay.

Rooxaan

Cirka caad laguma arko.  Laan ruxmaysaa dhirta yar ee tuulada ka dhex taagan kama muuqato.  Haad duulayaa ma jiro.  Xilligu waa jiilaal laga cabsi qabo inay ka dhalato abaar lagu hoobtaa.

Nin joog dheer oo awr kiish yari saaran yahay hoggaaminaya ayaa bannaan ku yiil tuulada  barigeeda kasoo murbaxay goor casar liiq ah.   Raggii aqalka Guuleed ee cirifka tuulada ugu taag iyo tilmaan dheeraa shaah ku cabbaayey  harqoodaalkiisa ayaa is wada dhugtay.  Ruux garta ninka iyo tuluddiisa way iska waayeen.

Salaan iyo is waraysi gaaban ay ragga is weydaarsadeen ka dib, wuxuu judhiiba ninku codsaday inu muddo beesha lasoo dego (1). Wejigiisa, hadalkiisa iyo socodkiisaba waxa ka muuqatay inu yahay nin aad u deggan (2).

Codsigiisii waa laga yeelay.  Aqal maran oo Xaaji Baxnaan leeyahay ayaa laysku raacay in la dejiyo (3). Iyagoo weli waraysigii ninka ku jira, ayaa Gurxan oo degdegsani (4) daf soo yiri.  In curadkiisii si ba’an loo hayo ayuu sheegay.

“ Dhaxan iyo gariir ayaa laga soo taagey,  Waxaan filayaa inay rooxaani kusoo degtey (5),” ayuu raggii la socodsiiyey. Waa la wada aamusay.  Ninkii socotada ahaa ayaa la wada eegay.  Isna madaxa ayuu ruxay isagoo gartay in laga dhawrayo bal in uu mashaqada Gurxan lasoo degtey (6) uu wax ka qaban karo.

‘Berigii hore sidee arrintaas oo kale ula xaali jirteen?’ ayaa ninkii ragga cod miisaaman ku weyddiiyey. “Duul buuraha dega (7) ayaa geed aan la aqoon keeni jirey.  Geedka xididkiisa oo la dubo ayaannu bukaanka kula daali jirney,” ayaa Guuleed ku war celiyey.

Isagoon hadlin ayuu ninkii madaxa ruxay mar labaad. “Wiilka i tusa,” ayuu soo jeediyey. Gurxan oo hadalkii ninka iyo muuqaalkiisu dejiyey (8) ayaa hor kacay. Waxay dul yimaaddeen wiilkii oo kurbanaya.  Intuu wejigiisa ka bogtey ayuu sacab ballaaran saaray.  “Immisa maalmood ayaa sidaas loogu degganaa (9)?” ayaa ninku warsaday.

‘Saddex maalmoodba cudurkan saansaankiisu wuu ka muuqday.  Cunta kasta loo keen; wax ka degaase (10) ma jirin.  Waad u jeeddaa inu il go’san yahay sidii qof ay duumo ka daadegtay (11),’ ayaa Gurxan ku jawaabay.

“Waa sahlan tahay,” ayuu ninkii Gurxan niyadda ugu dejiyey (12).  “ Shaah kulul daawadan ugu dara.  Aniguna berrito ayaan kasoo war heli doonaa.”  Xaanshi yar oo dhawr jeer isku laaban ayuu Gurxan ku dhaafay.

Maalin labaaddii wiilkii fay buu ahaa.  Bishii uu tuulada sii degganaana (13) dhawr xaaladood oo kale ayuu ninku daaweeyey. Intaanu ka dhoofin wuxuu la shiray odayaduu arkay inay tuulada ugu deggan (14) yihiin.  Wuxuuna kula dardaarmay inay ka digtoonaadaan duulkaa buuraha kasoo dega (15) iyo geed baaska ay keenaan ee noloshooda sida weyn ula degey (16).

Guntin maro ku duuban ayuu Guuleed gacanta ka saaray. Way garteen inay tahay daawo loo dejiyey (17) ciddii sida ina Gurxan loo qabto. ‘Hadday naga dhammaato, xaggee ka heli karnaa? Wadaad adigoo kale ahse intee noogu dhow?’ ayey codsigii ugu dambeeyey ku dhiibteen.

Lama hadlin ee wejigooda ayuu qof qof u fiiriyey. Markay ka daadegtey (18) inay rumaysanayaan, taladiisana ku soconayaan ayuu sir culus aan marna maankooda kusoo degi (19) karin ereyo kooban ugu gudbiyey:
“Daawada meesha ku guntani waa asal ridqan.  Wadaadka aad raadinaysaan meel durugsan ma jiro.  Dhexdiina ayaa laga heli karaa waayeel muslin ah oo saddex qul-hu-walle aqriyi kara. Wax ka badanna looma baahna.

Intay raggii iswada jeedaaliyeen ayey isku mar wada xusuusteen in kuwii la daweeyey oo dhammi sheegi jireen in  shaaha asal ka dhadhamo aanse cidina ka hoos qaadin.

Raggii oo ay ka degi (20) la’dahay rooxaan baa asal lagu daweeyaa ayuu meeshii kaga dhaqaaqay.

Muddo dheer ayaa kasoo wareegtay xilligaas. Raggiise marna ma ay illaawin ninkii awrka watay ee casar gaaban, maalin jiilaal ah, kiish yar oo saaran kala soo degey (21) markuu raggii tuulada soo gaarey.

Dhammad

Fiiri sheekada sida ereyga ‘DEG’ 21 jeer usoo noqnoqdo isagoo mar walba micne goonni ah xanbaarsan:
Tirsiga Lambarrada ereyada  iyo macnaha
1. Dego    –         derso
2. Deggan  –            xasilloon
3. Dejiyo       –         martigeliyo
4. Degdegsan    –     welwelsan
5. Degtey        –        haleeshay
6. Degtey       –         kusoo  Korodhay  
7. Dega        –         ku nool
8. Dejiyey     –      laabta u qaboojiyay
9. Degganaa   –     loo hayey
10. Degaase    –      dhuunta u maraa  
11. Daadegtey   –    dishootay
12. Dejiyey     –      doojiyey
13. Degganaana  –  ku noolaa
14. Deggan    –       miyir badan
15. Dega       –        ka yimaadda
16. Degay      –       dhaawacay, wiiqay  
17. Dejiyey     –      loogu tala galay
18. Daadegtay    –  dhaadhacday
19. Degi      –         malayn  
20. Degi      –         qaadan karayn
21. degey.     –       kasoo rogey

W,Q, Siciid Jaamac Xuseen
Email: [email protected]
—————————————-
Siciid waa qoraa deggen magaalada London, UK, oo si joogto ah wax ugu soo qora degelka WardheerNews, waana guddoomiye xigeenkii hore ee Naadiga Qalinleyda Soomaaliyeed.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.