Monday, May 06, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Maqaallo.
  • Opinion
  • Slideshow

Taxanaha Aadan Makina: Farta Lee Iigu Fiiq Aan Soo Jabsadee!

Waagii hore xafladuhu wey iska yaraayeen oo meelaha dhallinta ay ka qaraaban jireen waxaa kamid ahaa goobaha lagu sheego muraad ama sab sida aroosyada, xusaska, wanqalka, Qur’aan akhriska, iyo guud ahaanba ducooyinka kala geddisan sida kuwa loo dhigo qof bukaan ah ama mid faataxada loo maraayo si uu hadafkiisa ugaaro ama cudur muddo lala tacaalayey uga biskoodo.

Untitled1Dhallinta aan camalka hayn weyba usii diyaar garoobi jireen inta aanan la gudo gelin xafladda maalmo kahor. Hadduu aroos yahay dharka iyo barafuunka, kabaha, feseleetiga, dhowr xabbo oo sigaar ah iyo kuustoo tubaaka ah oo ay ku daaqsimaan inta xafladda damaashaadkeeda lagu gudo jiro, ayey sii diyaarsan jireen oo haddii aanay awoodin dharkaa bilicda sanna ay soo ergisan  jireen.

Burburkii  kadib, markii ay Soomaaali badani dibadaha u qaxeen, waxaabad mooddaa in is bedel dhacay maadaama dhaqamo kale lalaqabsaday. Waxyaabaha soo kordhay waxaa kamid ah damaashaadka heesaha oo ay fanaaniin faraha looga gubtay tumaan Soomaali ama ajaanib midkuu doonaba ha noqdeene. Is dhexgalka gabdhaha iyo wiilasha, ragga iyo dumarka ayaa wuxuu noqday wax caadi ah oo aanan marnaba laga gabban. Ayadoo diinta ay dhinac ka fideyso ayaa haddana balo aan  hore loo aqoon dhinac kale ka shidantahay.

Kala qeybsanaanta ummaddu waxay horseedday in qabiil waliba dhinac ubaxo oo uu lasoo baxo wacdaro ugaar ah. Haddii nin madax ah kusoo fool leeyahay magaalo qabiilkiisu ku badanyahay, waa loo sii gurmadaa oo waxaa loo sii diyaariyaa xaflad heer sare ah ayadoo xafladdaasi lagu martiqaadayo dad kala nooc nooc ah oo ay ku jiraan majaajilisteyaal, fannaaniin, gabyaa, mutacallimiin, odey dhaqameedyo, nabad-doonno, mashaa’ikh akhriya ducooyiin, faataadhugleyaal tiro badan, quraafaadtiriyeyaal, iyo kuwo xambaarsan duluc aan la garaneyn.

Halkii awal hore laysugu immaan jiray keliya cunto cunid iyo faataxayn, hadda waxay isku bedeshay niikoniikeyn iyo naagonaageysi. Dabcan dad baa waxaas oo kale u arka ilbaxnimo iyo horumar la gaadhay. Dhaqaale badan ayaa lagu baxshaa is dhexgalka noocan oo kale. Ogoow, kuwa ka faa’idaya cuntada iyo sharaabka habeenka damaashaadka ma aha masaakiin ee waa dad dheregsan. Dhaqamadan foosha xun hala ogaado in ay saameynayaan tarbiyadda carruur badano hadda fayoow.

Qoysaska qaarkood waxayba usoo ijaaraan koox muusikada tunta shaqsi debedda ka immaanaya oo la martigelinayo. Waxaa dhici karta in habeen idil loo soo jeedo oo la wada niikiyo.

Haddii uu qof madax ah magaalo imanayo, waxaa habboon in la sammeysto borotokool lagu dhaqmi kara kaaso ah in wixii uu dadka usheegi lahaa laga siidaayo telefishenada, raadiyaha, iyo jaraa’idyada. Haddii sidaasi la yeelo, wixii war iyo wacyi ahba wuu gaadhaya cid walba. Haddii aan sidaasi la yeelinna, warka iyo wacyigaba wuxuu ku ekaanaya koox tiro yar. Shaqsiga debedda ka immaanaya waxaa wanaagsan in lacagta uu ku ciyaarayo lagu hirgeliyo wax muuqda oo ummadda anfacaya. Maanta, xafladaha waxay isku rogeen “farta lee iigu fiiq aan soo jabsadee”. Kuwa kasoo qeybgelaya waxay ubadanyihiin dad doonaya in xilligaasi uun ay naftooda u raaxeeyaan. Mowqifkii laga lahaa muraadkaasi waxaa dhici kartaa in uusan hirgelin illeyn inta daneyneysa muraadka laga leeyahay ayaaba iska yare.

W.Q. Aadan Makina
WardheerNews
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.