War Saxafadeed
Taliyaha Taliska Mareykanka ee Afrika wuxuu booqday Soomaaliya 4-tii Noofembar taas oo qayb ka ah safarkiisa qaaradda Afrika. Jeneral Stephen Townsend ayaa la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, Ku simaha safiirka ee Safaaradda Mareykanka , Brian Neubert, iyo hoggaanka sare ee militariga Mareykanka iyo Soomaaliya ee ku sugan Muqdisho.
Booqashadu waxay siisay fursad uu kula kulmo ciidamada oo uu ku qiimeeyo horumarka ololaha ka dhanka ah la dagaalanka shabakadaha argagixisada ee gobolka.
“Waxaa mudnaanta koowaad leh ballanqaadkeena ah inaan ka caawino saaxiibadeena Soomaaliyeed hagaajinta amniga iyo horumarinta hay’adahooda difaaca, “ ayuu yiri Jen. Townsend. “Si amnigu u shaqeeyo wuxuu sidoo kale u baahan yahay dadaal dheeri ah iyo taageero isku duuban in laga helo beesha caalamka.”
Mareykanku waxa uu Soomaaliya ka taageera dhanka diblomaasiyadda, horumarka iyo difaaca.
Townsend wuxuu xusay halista ay shabakadaha argaggixisadu ku hayso saaxeebada Afrika, danaha Mareykanka ee gobolka iyo wadanka Mareykanka, wuxuuna ku baaqayaa feejignaan iyo iskaashi si Soomaaliya iyo gobolkaba ay ammaan u helaan.
“Argagixisadu waxay u baahan yihiin inay ogaadaan inaan daba joogno oo aan burburineyno maanta ugana hortagaan faafidooda berri,” ayuu yiri.
###
Wixii faahfaahim ah kala xidhiidh
Safaarada Maraykanka
SomaliaPublicAffairs@state.gov
Leave a Reply