Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Taliyaha Taliska Mareykanka ee Afrika

War Saxafadeed

Taliyaha Taliska Mareykanka ee Afrika wuxuu booqday Soomaaliya 4-tii Noofembar taas oo qayb ka ah safarkiisa qaaradda Afrika.  Jeneral Stephen Townsend ayaa la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, Ku simaha safiirka ee Safaaradda Mareykanka , Brian Neubert, iyo hoggaanka sare ee militariga Mareykanka iyo Soomaaliya ee ku sugan Muqdisho.

Booqashadu waxay siisay fursad uu kula kulmo ciidamada oo uu ku qiimeeyo horumarka ololaha ka dhanka ah la dagaalanka shabakadaha argagixisada ee gobolka.

“Waxaa mudnaanta koowaad leh ballanqaadkeena ah inaan ka caawino saaxiibadeena Soomaaliyeed hagaajinta amniga iyo horumarinta hay’adahooda difaaca, “ ayuu yiri Jen. Townsend. “Si amnigu u shaqeeyo wuxuu sidoo kale u baahan yahay dadaal dheeri ah iyo taageero isku duuban in laga helo beesha caalamka.”

Mareykanku waxa uu Soomaaliya ka taageera dhanka diblomaasiyadda, horumarka iyo difaaca.

Townsend wuxuu xusay halista ay shabakadaha argaggixisadu ku hayso saaxeebada Afrika, danaha Mareykanka ee gobolka iyo wadanka Mareykanka, wuxuuna ku baaqayaa feejignaan iyo iskaashi si Soomaaliya iyo gobolkaba ay ammaan u helaan.

“Argagixisadu waxay u baahan yihiin inay ogaadaan inaan daba joogno oo aan burburineyno maanta ugana hortagaan faafidooda berri,” ayuu yiri.

###

Wixii faahfaahim ah kala xidhiidh
Safaarada Maraykanka
[email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.