Muqdisho (WDN)- Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka ee maalintii khamiista aheyd golaha wasiiradu ansixiyeen Xildh. Mahad Maxamed Salaad, ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka kadib munaasabad ka dhacdey xarunta hay’adda ee magaalada Muqdisho.
Munaasabadda xilwareejinta waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisal Wasaaraha xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Wasiirada Gaashaandhiga Cabdiqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Amniga qaranka Cabdullaahi Maxamed Nuur, taliyeyaasha ciidamada Booliska, Milatariga iyo saraakiil hay’adda NISA ka tirsan.
Rooble oo munaasabadda hadalkooban ka jeediyey ayaa kula dardaarmay taliyaha cusub in waajibaadka shaqo ee loo igmadey u gutto si waafaqsan shuruucda dalka u taalla, isagoo alle uga baryey inuu masuuliyadda culus la garabgalo.
Waxaa xilka si KMG ah hore u hayey oo maanta wareejiyey Yaasiin Maxamuud Cabdullaahi Fareey oo iminka ka mid xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya .
Taliyaha cusub Mahad Salaad, ayaa horey u ahaa Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ee Xukuumadaii Xasan Sheekh, islamarkaana ah shakhsi ay aad isugu dhow yihiin, isagoo ka mid ahaa mucaaradkii dowladdii uu hoggaaminayey Madaxweyne Farmaajo
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply