Tacsi: Yuusuf Macalin Maxamuud

Tacsi: Yuusuf Macalin Maxamuud

Inaa Lilaahi Wa inaa Ilayhi Raajicuun

Wardheernews waxay si tiiraanyo iyo naxdin leh u tacsiyeynaysaa eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuum Yuusuf Macalin Maxamuud oo ku geeriyooday magaalada Yagoori , ee waqooyiga Soomaaliya maalintii Sabtida ee bishan Seb. 5 dii, isaga oo in badan deggenaa magaalada Vancouver ee dalka Kanada.

Yuusuf waxa uu ka mid ahaa macalimiintii Soomaaliyeed in sida aadka qeyb lexaad leh uga qaatay waxbarashada Soomaaliya, isaga oo horaantii todobaatanaadkii Bare ka ahaa dugsiyada magaalada Hargeysa, ka gadaalna markii uu ka qalin jabiyay Kuliyadii Waxbarashada ee Lafoole, macalin ka noqday magaalada Kismaayo ee koonfurta Soomaaliya. Yuusuf waxa kale oo ka mid ahaa ardeydii mac’hadkii SIDAM, mashruucii SOMTAD ee Maamulka iyo Maareynta, isaga oo hawl wadeen ka ahaa bangigii Ganacsiga ee Soomaaliya.

Waxaanu Ilaah uga beryaynaa marxuum Yuusuf in uu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelkeediisana uu Sabir iyo Iimaan ka siiyo.

Aamiin