Inaa Lilaahi Wa inaa Ilayhi Raajicuun
Wardheernews waxay si tiiraanyo iyo naxdin leh u tacsiyeynaysaa eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuum Maxamed Cali Geydh oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa, habeenimadii Sabtida ee bishan Dec.19 dii, 2015.
Marxuum Maxamed Cali Geydh waxa uu ka mid ahaa odayaasha iyo waxgaradka Somaliland, isaga oo horey u ahaa badmareeanadii gaadhay dalka Ingiriiska dhammaadkii kontomeeyadii, khaastan magaalada Cardiff. Marxuum Maxamed waxa uu ka gadaal ku noqday magaalada Hargeysa oo uu mudooyinkii dambe deganaa.
Waxaanu Ilaah uga beryaynaa marxuum Maxamed Cali Geydh in uu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelkeediisana uu Sabir iyo Iimaan ka siiyo.
Aamiin
Leave a Reply