Wednesday, July 03, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • News

Tacsi: Marxuum Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri Barwaaqo)

Bahda tifatirka shabakadda WardheerNews waxay iyagoo ka tiiraanyaysan halkan tacsi uga dirayaan Qoyskii, ehelkii, asxaabtii iyo guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid Qoraa Sare Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax(Barwaaqo) oo shalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Waxaanu marxuumka ilaahay uga baryaynaa inuu naxriistii janno ka waraabiyo kitaabkiisana gacanta midig ka siiyo.

Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax(Guri barwaqo) waxaa uu ahaa aqoonyanhan safka hore kaga jira qorayaasha Soomaaliyeed, ummaddana uga tagay dhaxal ay jiilalka dambe u aayi doonaan.

Waxaanu mar kale leenahay Ilaah dhammaanteenba samir iyo iimaan ha innaga siiyo isagana janatul Firdawsa Eebbe ha ugu deeqo. Aamiin.

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.