Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

SYL Waxay u Baahan Tahay Taariikhyahanno Xaqsoor Leh

W. Q. Liibaan A. Axmad

Maxamed Ciise Turunji ( Mohamed Trunji) waa sharci-yaqaan Soomaaliyeed oo qoray buugga  Somalia: The Untold History 1941-1969. Curiskani ma aha gorfeyn ku saabsan buugga; waa falcelis la xiriira wareysi laba qeybood ah oo  Turunji lala yeeshay dhowaan.  Waraysiga kowaad wuxuu ku weeraray ururkii Leegada (SYL) oo uu ku tilmaamay mid leh taariikh ku salaynsan xog aan run ahayn ka hor 1960kii.

Kala duwanaansho ayaa u dhexeysay waxqabadyada SYL markii uu ahaa urur gobanimoddoon; markuu ahaa urur dhisay dowlad dalka madaxbannaani gaarsiinaysay iyo markii ururku noqday xisbiga talada haya kaddib 1dii Luulyo 1960kii.

Turunji wuxuu sheegay in sheekooyinka ku saabsan in qof uu galay booskii Cabdullaahi Ciise si halgamaagii looga badbaadiyo suurtogalnimada in tallaal lagu sumeeyo tahay sheeko aan sal lahayn. Xaq buu Turunji u leeyahay inuu dooddan soo bandhigo, su’aashuse waa: Miyay dooddiisu ku salaysan tahay xog sugan? Buugga wuxuu ku qoray in Talyaanigu isu janjeeriyay dhanka SYL oo uu u arkayay xisbiga Soomaaliya ka talin doona marka xilliga gobanimo-gaarsiintu (trusteeship) dhammaado.

Cabdullaahi Ciise isaga oo aad u da’yar ayuu ku dhiirraday inuu summad u noqdo raadinta gobanimada Soomaaliya gaartay 1960kii. Isaga iyo geesiyaashii kale oo gacanta siiyay sida asaasayaashii SYL, xubnihii Golihii Dhexe ee ururka, Micheal Mariano, Louis Clement Salool iyo Cali Nuur waxay lahaayeen himilooyin sal u noqday unkidda qaran Soomaaliyeed. SYL uun baa dad meelo kala duwan ka kala yimid aragti siyaasadeed ku mideysay. Waa sababta ay  SYL kaga dheereysay ururradii Talyaaniga ku dhowaa siyaasad ahaan.   

Eric Hobsbawm, taariikhyahankii Biritishka ahaa, wuxuu ku qoray buuggiisa On History in casharka kowaad oo uu taariikhyahanka xirfadlaha ihi baranayo yahay iska eegista maqlijirey-doon (anachronism), ama kala duwanaanshaha qacda horeba u muuqda wax isku mid ah, sida Boqortooyada Biritishka 1797kii iyo 1997kii*”.  Turunji wuxuu u sheegay wareystaha in 1960kii la sii arkayay wixii dhacay 1991kii. Farqi ayaa u dhexeeyay waayaha nolosha Soomaalida 1961kii, 1971, 1981 iyo 1991kii. 

Turuji wuxuu xiganayaa warqad taalla arkiibiyada (archive) oo, sida “uu soo qoray halgame Sheekh Xasan Barsane”, ku taariikheysan 12kii Maarso, 1924kii, laba sano kaddib markii hoggaamiyihii Fashiistada Benito Mussolini uu Ra’isal Wasaaraha Talyaaniga noqday. Turunji wuxuu Sheekh Xasan Barsane ku sifeeyay qof amarddiid ahaa (recalcitrant) waayo wuxuu diiday amar ka soo baxay gumeystihii Talyaaniga, ku saabsan baabi’inta adoonsiga. In Sheekh Xasan Barsane cuskaday inuu difaaco addoonsiga, ayuu xigtay Turunji.  Buugga uu xigtay si uu taageero eedeynta aan salka lahayn waxaa  1935kii qoray Cesare Maria De Vecchi, ‘guddoomiyihii Dhulka Soomaaliyeed ee Talyaaniga” (Italian Somaliland).  Cesare wuxuu ahaa siyaasi Fashiiste ahaa, noqday Wasiirkii Waxbarashada Talyaaniga.  Isaga oo difaacaya sababaha uu u xigtay qoraallo shisheeye qoreen Turunji wuxuu yiri: “[Waa qoraallo ay] qolyihii wax qoran jiray … [qoreen]” oo waxay yaallaan “arkiibiyayaalka. Runtii ayaan[nnu] ogaannay”.

Buugga Cesare ka qoray muddadii uu  dhulka Soomaalida joogay.

T.E. Lawrence, qoraaga Seven of Pillars of Wisdom, wuu duray qoraallada yaalla arkiibiyada. “Taariikhyahanku wuxuu tagaa meel si uu ugu kuurgalo runta oo dhan; taasi macnaheedu waa wuxuu bartaa inuu ahmiyad … siiyo qoraallada. Qoraalladu waa beenlowyaal**” ayuu qoray Lawrence. Goobta Lawrence uu si dadban u xusay waa arkiibiyada – meesha lagu keydiyo qoraallada dowladda ka soo baxa oo aan sirta ahayn ama la sirsaaray (declassified).

Sidee Turunji hadda u arkaa ururkii SYL?

Taallada SYL ee Muqdisho

“Waxaa naloogu sheekeeyay in SYL oo keliya ahayd xisbiga madaxbannaani doonayay” ayuu Turunji yiri. Isla waraysiga ayuu isku buriyay markuu ka hadlayay xisbiyada la loollamayay SYL: “Waa run inay Talyaaniga rabeen. Talyaanigu saxiibbo badan ayuu ku lahaa dalka, iyo axsaab kale oo isaga rabtay, oo taqaannay, oo la shaqaysan jirtay oo gacan weyn siisay” ayuu yiri. Sida Turunji ku dooday, Maamulkii gobonimo-gaarsiinta (AFIS) ayaa xiriir la yeeshay SYL waayo wuxuu u arkayay SYL xisbiga soo dhisi doona dowlad Soomaaliyeed kaddib 1dii Luulyo 1960kii.

Mabaadii’da ururkii SYL waxay ku salaysnaayeen sinnaan

SYL waxay kaga duwanayd ururrada kale dastuurkeeda oo xoogga saarayay sinnaanta iyo ku abtirsashada haybta siyaasadeed ee Soomaalinimda. Buugga Turunji waxaa ku jira xogo aad u xiisegelin doona dadka, abuuri kara su’aalo badan. Maxay ku kala duwanaayeen Yaasiin Cali Sharmaake oo madax u ahaa Lego Progressista Migiurtinia (urur ka mid ah ururradii u ololeynayay inTalyaanigu gobanimo ku gaarssiyo Soomaaliya muddo ka badan toban sano), iyo walaalkiis Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo 1955kii kaaliye sharci looga magaacay maamulkii gobanimo-gaarsiinta, kana tirsanaa ururkii SYL?

Xusuusqor aan la daabacin oo uu lahaa Aadan Cabdulle Cismaan, Madaxweynihii kowaad ee Soomaaliya, ayaa waxtar u yeeshay Turunji intuu buugga qorayay. Waraysiga wuxuu ku sheegay in SYL ku shuban jirtay doorashooyinka iyo Aadan Cadde ku qoray xusuusqorka inay tahay in SYL awoodda la wadaagto xisbiyada kale. Turunji wuxuu buugga ku qoray in Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ka ololeeyeen mamulkii waqtigiisu sii dhammaanayay ee Cabdullaahi Ciise Ra’isal Wasaaraha ka ahaa, kuna edeeyeen maamulka ku shubasho doorasho iyo kartidarro maamul (bogga 339, daabacaadda kowaad).

Waa dhab in dowladihii SYL soo dhistay intii u dhexeysay 1960kii iyo 1969kii ay dhan ka rarnaayeen. Waxaa xusid mudan in dowladdii SYL ay   dhidibbada u aastay warbaahin madaxbannaan. Sarreeye Guud Maxamed Cali Samatar, oo billowgii toddobaataneeyadii barnaamij ku saabsan isla xisaabtanka ka soo jeedinayay Raadiyo Muqdisho, ayaa xusay in kacaanka ka hor Soomaaliya lahayd wargeyso madaxbannaan sida Dalka, La Tribuna, Itixaadal Shacab iyo Alxaqiiqa, oo ka dhiidhin jiray cadaalad-darrada. In askar afgambi talada kagala wareegtay dowladdii SYL ay qirto horumarkaas dimuqraadiyadeed waa tusaale taariikhyahanku wax ka faa’iidi karo markuu wax ka qorayo taariikhda siyaasadeed ee Soomaalida.  

W. Q. Liibaan A. Axmad

Emai: [email protected]

* “The first lesson a professional historian learns is to watch out for anachronism, or differences in what at first sight seems to be the same, such as the British monarchy in 1797 and 1997.”  (Eric Hobsbawm).

** “The historian is retired into a shell to study the whole truth; which means that he learns to attach … importance to documents.”  (T. E. Lawrence).

Tixraac


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.