Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa soosaartay amar lagu sugayo ammaanka xilliga doorashada madaxtinimada Puntland oo la qorsheeyay in ay bishan Janaayo 8da ka qabsoonto magaalada Garowe.
Sida ku cad wareegto maanta ka soo baxday guddida amniga doorashada ayaa lagu mamnuucay in ay Puntland soo galaan shaqaalaha iyo wasiirrada dawladda F. Soomaaliya inta doorashadu ka dhacayso.
Arrintan ayaa u muuqata mid lagaga hortayo faragelinta ay waayadan dambe Villa Soomaaliya ku caanbaxday xilliyada doorashada Dawlad Goboleedyada si ay ugu guulaystaan shakhsiyaadka ay iyadu wadato.
Haddaba warsaxafadeedka ayaa u dhignaa sida soosocota:

