Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Doorashada Puntland ee 2019-ka yaa guulaysan doona?

W/Q Axmed Bashiir

Hoos ayaan ku falanqayn doonaa doorashada Puntland ee 2019-ka iyo qofka ku habboon in la doorto laakiin marka hore sheeko yar.

Buur baa waa’ foolatay

Waxa la yiri Buur baa waa’ foolatay. Saa waxay dhashay Jiir ama Doolli, qofba siduu u yaqaan. Dadkii way yaabeen waxayna dhaheen suuragal ma aha in adiga oo sidaa u wayn oo uurka wayn lahaa muddada shanta sano ah, annaguna aan hanka wayn kuu qabnay, aad dhasho jiir yar.

Sheekadaan waa sheeko dheer oo xiiso badan, insha Allah mar kale ayaan dhamaystiri doona, laakiin sida buurtu hanka uga jabisay dadkii degaankeeda, ayaa hadda dadka reer Puntland waxay aad uga wel-welsan yihiin in doorashadaanina sidii tii 2014-ka ay hanka uga jabin doonto.

Xaaladda Puntland hadda ku sugan tahay

President Abdiwali Gas

Waxaan ognahay sida loogu khasaaray wixii ka dhashay doorashadii 2014-ka. Puntland maanta waxay fadhidaa gebi cidla’ ah. Dhaqaalaheedii waa bur-buray, ammaankii faruhuu ka baxay, waxbarashadeedu tayo fiican ma leh, qabiil walba maduxuu iskula jiraa oo waxay isku haystaan xildhibaanadii beeshooda u fariisan lahaa baarlamanka Puntland, degaannada qaarkoodna waxa ka jira colaad ka dhex taagan qabaa’ilka wada dega.

Dhanka kale, waxaa maamulka Cabdiwali Gaas hareeyay musuq-maasuq xad dhaaf ah, naas nuujis xigaalo, maamul xumo, isla xisaabtan la’aan, iyo khayraadkii badda iyo dhulka Puntland oo uu si sharci darro ah gacanta ugu galiyay dawlado shisheeye iyo shirkado calooshood u shaqaysta yaal ah oo Madaxwayne Cabdiwali Gaas uu isagu dullaal ka yahay, laakiin dadka deer Puntland aysan waxba ka intifaacsan.

Halkan ka akhri faah-faahin ku saabsan musuq-maasuqa hareeyay xukuumadda Cabdiwali Gaas (runaway corruption, nepotism, and inefficiency) by Dr. Abdullahi Y. Muse, (Abdiwali Gaas a shameless incorrigible betrayer of his nation), (Gaas-and-the-floundered-presidency) sida ay ku qoreen website-ka Wardheernews, Osman Hassan, iyo Faisal Rooble.

Ballanqaadyadii uu Madaxwayne Gaas fulin waayay

Madaxwayne Cabdiwali Gaas wuxuu buriyay ballamihii uu galay dhammaadkii 2013-ka markii uu u tartamayay madaxwaynanimada.

Tusaale ahaan wuxuu ballan qaaday:

  • Inuu xorayn doono goballada (Sool, Sanaag, iyo Cayn) oo Somaliland ka haysato Puntland,
  • Inuu mashaariic horumarineed oo dhaqaalaha gobolka kor u qaada hirgalin doono,
  • Inuu tayada waxbarashada kor u qaadi doono
  • Inuu ammaanka sugi doono
  • Laakiin ballanqaadka ugu wayn ee uu ku fashilmay Madaxwayne Gaas waxuu ahaa kan uu yiri dib isuma soo sharrixi doono doorashada 2019-ka.

Waraysiyo laga qaaday Madaxwaynaha sanadihii 2014 ilaa 2017-kii wuxuu isagoo kalsooni muujinaya si cad u sheegi jiray inuusan dib dambe isu so sharrixi doonin marka waqtigiisu dhamaado. Wuxuu dhihi jiray aniga ujeeddadaydu ma aha jago, ama lacag ee waxa keliya ee aan rabaa waxa weeye inaan hormariyo dhaqaalaha, waxbarashada, iyo amaanka Puntland, iyo inaan dhallin yarada shaqo u abuuro, musuqana la diriro, horumariyo nidaamka dawlad wanaagga, iyo sarraynta iyo ka dambaynta sharciga.

Madaxweynuhu wuxu yiri, wax kaleba yeelkoode haddii aan fulin waayo ballanta ah hal-qof-hal-cod, inaan noqon doono qof xukunkiisu fashilmay. Halkan ka dhagayso Ballamihii uu galay Madaxwayne Gaas 2014-kii laakiin uu ku fashilmay. Markii la gaaray 2018-kii ayuu bilaabay inu dhaho markii la gaaro xilliga doorasada ayaan sheegi doonaa inaan mar kale tartami doono iyo in kale.

Hadda oo la gaaray xilligii doorashada, wuxuuna Madaxwayne Gaas ku dhawaaqay 18-kii December 2018 inuu dib isu soo sharraxay (Gaas oo ku dhawaaqay inuu mar kale isa sharraxayo ) iyadoo aysan jirin wax mashaariic ah oo uu sameeyay oo sababi kara in dib loo soo doorto, isla markaana aan u aaba yeelin ballamihii uu hore u qaaday oo uu fulin waayay.

Waxaa is waydiin leh ma la rumaysan doonaa wax dambe oo uu sheego Madaxwayne Gaas iyo ballan dambe ee uu qaado maadaama uu ka baxay ballamihii hore oo dhan, kuwaasoo uu isagu afkiisa isku xukumay inu noqonanyo qof fashilmay haddii uu fulin waayo!!!

Dambiyo waa-wayn oo Madaxwayne Gaas ka galay Puntland/Soomaaliya

Boobka Khayraadka Puntland

Puntland waxaa ka buuxa khayraad tiro badan oo aan wali la soo saarin kuwaasoo ay ka mid yihiin kalluun, shidaal, iyo macaadin kala duwan oo kulligood ah gancsi gal. Sidaasoo ay tahay dhaqaalaha Puntland aad ayuu u hooseeyaa, dhallinyaradii waxaa haysta shaqo la’aan baahsan, tayada nolosha dadkuna aad bay u liidataa. Sababtuna waxay tahay khayraadka Puntland waxaa si sharci darri ah u qaata dawlado shisheeye iyo shirkado calooshood u shaqaysta yaal ah.

Wa ayaan darro in masuuliyiinta ay ku qanacdo inay qaataan lacag yar oo markay ugu badato gaaraysa dhowr malyan oo dollar halka waddamada iyo shirkadaha shisheeyuhu ay ka la baxaan Puntland khayraad gaaraya balaayiin dollar.

Maxaa laga qabtay dekaddii Boosaaso?

Waxaa kale oo is waydiin leh maxaa laga faa’iday dekeddii Boosaaso ee uu ku wareejiyay Imaaraatka. Waxay ahayd in shaqada lagu bilaabo sannad gudihiis. Labo sano ku dhowaad ka dib, wax horumarin ama dhisma ah lagama qaban dekadda Boosaaso. Halka ganacsatada lagu kordhiyay canshuurihii laga qaadi jiray badeecooyinka ka soo dega dekedda. Waxaa la dhihi karaa cidda keliya oo ka faa’idday waa shirkadda la wareegtay maamulka dekadda.

Lunsasho hanti guud

Cabdiwali Gaas aad baa loogu han waynaa markii la doortay 2014-kii waxaaana la filayay inuu noqdo hoggaamiye horumariya Puntland isagoo adeegsanaya qoonta iyo khibradda uu sheegtay inuu u leeyahay maamul wanaagga (good governance), kobcinta dhaqaalaha, uruurinta canshuuraha, iwm. Hase yeeshee, shantii sano ee uu xukunka hayay waxaa lagu eedeeyay inuu si gaar ah u lunsaday hanti badan oo dalal dibadda ah (sida Kenya, Zambia, Ethiopia, iyo UAE) uu gaystay.

Gaas wuxuu soo gatay warshad lagu sameeyo lacagta Shilling Soomaaliga.

Cabdiwali Gaas wuxuu Puntland iyo Soomaaliyaba ka galay hal dambi oo aad u wayn, kaas oo curyaamiyay dhaqaalihii Puntland, sababayna in ganacsatadii reer Puntland ay isaga cararto Puntland maadaama ayasan la tartami karin ganacsatada isticmaasha dekadaha Berbera iyo Muqdisho.

Samaynta lacag sharci darro ah waxay keentay in sicir barar xad dhaaf ah ku yimaado badeecooyinkii yaallay suuqa, isla markaana uu qiimo jabo wayn ku yimaado Shilling Soomaaligii. Waxaa is waydiin leh sidee u dhici kartaa inuu lacag sharci darro ah daabacdo nin ku faanaya inuu ku takhasusay cilmiga dhaqaalaha.

Dawladda ugu awood ciidan iyo dhaqaale wayn dunida maanta aan ku nool nahay wa tan Maraykanka iyadana Madaxwaynaheedu awood uma leh inuu soo gato warshad lacagta lagu sameeyo oo markii uu rabo ku daabacdo wixii lacagoo uu u baahdo.

Cabdiwali Gaas wuxuu mudan yahay in maxkamad sharci la hor keeno oo uu xabsi u galo lacagta uu sida sharci darrada u samaystay iyo bur-burka dhaqaale eeka dhashay arrintaas.

Since Mr. Gaas is a Somali native and a naturalized U.S. citizen, he is subject to criminal justice laws in both countries. Printing fake money is a serious crime anywhere in the world. Therefore, both the U.S. government and the Somali government are under legal obligation to bring Mr. Gaas to a court of law for printing counterfeit Somali Shilling notes.

Ma aha in Cabdiwali Gaas lagu abaal mariyo in mar kale la soo doorto si uu u sii lunsado hanti kale, dhaqaalaha Puntland u baabi’iyo.

Yaa faa’ida ku qaba in Cabdiwali Gaas dib loo soo doorto?

Dadka keliya ee faa’idada ku qabi kara in dib loo soo doorto Cabdiwali Gaas waa dadka hadda u shaqeeya xukuumaddiisa. Waxayse san ogayn in haddii Cabdiwali Gaas dib loo soo doorto aan wax badan iska baddali doonin dhismaha dawladdiisa. Isla waziirada, ku xigeenada, agaasimayaasha, shaqaalaha madaxtooyada, iyo madaxda ciidamada ee hadda la shaqeeya xukuumaddiisa ayay u badan tahay inay soo noqdaan. Waxa laga yaaba inuu dhowr waziir midba mid kale ku baddalo, umana badna inuu wajiyo badan oo cusub ku soo kordhin doono dhismaha dawladdiisa. Sidaa awgeed dadka u hanqal taagaya inay jago ka helaan dawladdiisa haddii dib loo soo doorto way ku hungoobi doonaan.

Dhanka kale, haddii Madaxwayne cusub la soo doorto, wuxuu soo dhisi doonaa dawlad hor leh oo ay hoggaaminayaan wajiyo cusub oo ka kala imaanaya qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland. Sidaa awgeed, qofkii rajo ka qaba inuu ka mid noqdo maamulka shanta sano ee soo socota waxaa u fursad wanaagsan inuu tageero murashax cusub.

Yaa badbaadin kara Puntland

Puntland waxa badbaadin kara qof ay ku wayntahay:
• Waddani aamninsan midnimada iyo horumarka Soomaaliya
• ka han iyo himilo wayn dan gaar ah
• aan rabin inuu boobo hantida guud , laaluushna qaadan
• khibrad u leh maamul wanaag , lehna ammaano iyo hufnaan
• iskala sarreeya ku dhaqanka qabyaaladda
• aan xigaalo iyo xidid si sharci darro ah u naas nuujin
• leh shakhsiyad wanaagsan, dhaqan wanaagsan, aqoon sare, iyo cadaalad.

Markii aan aad u daraaseeyay murashixiinta hadda tar-tamaya oo dhan waxaan si kalsooni buuxda ku jirto u oran karaa, qofka keliya ee leh sifooyinkaas kor xusan oo dhan iyo kuwa kale oo badan oo iyaguna wanaagsan, inuu Cali Xaaji Warsame yahay nin si buuxda ugu qalma inuu hoggaamiyo Puntland iyo waliba Soomaaliyaba.

Maxay u tar-tamayaan murashixiin badan oo og inaysan guulaysanayn?

Qaar badan oo murashixiinta ka mid ah way og yihiin inaysan soo baxayn, laakiin waxay rabaan inay qalqaalsadaan oo ay ka helaan dawaladda cusub jagooyin: sida Wasiir, Wasiir xigeeno, Agaasime, ama wax la mid ah. Qaar kalena waxaa tar-tanka soo geliyay Cabdiwali Gaas si uu ugu kala jabiyo awoodda qaar ka mid ah murashixiinta leh furasad fiican inay guulaystaan.

Taageero ku salaysan mabda’a

Badanaa taageerada dadkeenu waxay ku salaysan tahay saaxiibtinimo, qabiil, ama dan gaar ah. Laakiin anigoon la qabiil ahayn, dan gaar ahna ka lahayn taageeriddiisa, ayaan haddana waxaan ku taageerayaa murashax Cali Xaaji Warsame, fikir, ama qadiyad aan aamminsahay inaan wadaagno darteed. Qaddiyaddaas oo ah ilaalinta midnimada iyo wada jirka dalka iyo dadka Soomaaliya, dhisidda xukuumad loo dhan yahay oo aan ku salaysnayn qabiil iyo qof jeclaysi, iyo danta guud oo laga hormariyo tan gaarka ah.

waxaan aamminsanahay in murashaxiinta hadda tar-tamaya uusan ku jirin mid ka daacadsan, ka waddanisan, ka  hab dhaqan(ethics) wanaagsan, ka khibrad shaqo wanaagsan, ka aqoon maamul wanaagsan, kana ammaano wanaagsan murashax Cali Xaaji Warsame.

Cali Xaaji Warsame wuxuu waxbarashadiisa ilaa heerka kowaad ee jaamacadda (Bachelor) ka dhigtay machadkii SIDAM, ka dibna MBA ayuu ka qaatay American University in London, UK.

Wuxuu maamule ka noqday dekadda Boosaaso, ka dibna wuxuu CEO ka noqday shirkadda is gaarsiinta ee Golis. Ka dib wuxuu wasiirka waxbarashada ka noqday Puntland.

Dadkii la shaqeeyay waxay isku raceen inuu yahay nin leh ammaano, karti, aqoon, iyo dhaqan wanaagsan.

Xiriirka Puntland iyo dawladda dhexe

Dadka reer Puntland waxay rabnaa in Puntland uu madaxwayne ka noqdo qof xiriir wanaagsan la yeelan kara dawladda dhexe ee Soomaaliya, waayo haddii Soomaaliya bur-burto, Puntland ma dhisnaan karto. Waxaa dadka Soomaaliyeed dhibay madaxwayne maamul goboleed oo hadba ku hanjabaya inuu xiriirk u jarayo dawladda dhexe.

Asal ahaan yaa masuul ka ah doorashada madaxda xun

Eedda doorashada madaxda xun waxa marka koowaad leh xildhibaanada laaluushka ku soo baxa dabadeedna doorta murashaxii lacagta ugu badan siiya, waxaa kale oo eedda qayb lixaad leh ka ah oday dhaqameedyada soo ansixiya xildhibaanadaas. Haddii xildhibaanadu ahaan lahaayeen waddaniyiin ka damqanaya bur-bur iyo dib u dhaca soo gaara Soomaaliya, codkooda laaluush kuma gateen. Waxay marag ma doonta ah in inta badan xildhibaanada Puntland ah jeebkooda waxa gala uga muhiimsan tahay horumarka waddankooda, diintooda, iyo dadkooda. Taasina waa ayaan darro ku habsatay Soomaaliya oo dhan gaar ahaan Puntland. Xalku waa in la gaaro qof-iyo-cod si laaluush ku soo bixiddu meesha uga baxdo.

Gaba-gabo

Gaba-gabadi waxaan xildhibaanada ka codsanaynaa inaysan nagu soo celin Cabdiwali Gaas iyadoo ay jiraan murashixiin kale oo aad uga waddanisan, uga daacadsan, uga turid badan Soomaaliya, kanana ammaano wanaagsan is ilaalin wanaagsan.

Haddii Cabdiwali Gaas dib loo soo doorto sii jiritaanka Puntland shaki wayn baa ku jira waayo dhinac dhulkeedii waxaa ku soo fiday oo xoog ku qabsaday Somaliland, dhanka kalena bur-bur dhaqaale, isku dhac beeleed, iyo musq-maasuq baa ku habsaday Puntland.

Waxaan leenahay u hiiliya carruurtiina iyo carruuraha ay dhali doonaan.

Allaha wayn waxaan waydiisanaynaa inuu Puntland madaxwayne uga dhigo kii danta dalka iyo dadka ku jirto.

Axmed Bashiir
Email: [email protected]
Twitter: @bashir1631


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.