Garoowe (WDN)- Warsaxafedeed ka soo baxay SSSC/Khaatumo ayaa lagu sheegay in dhammaan hay’adaha ka hawlgala Somaliland laga joojiyay in ay yimaadan degaannada SSC/Khatumo, islamarkaana wax shaqo ah ka qabtaan. Sidoo kale degaannada SSC/Khaatumo ayaa laga joojiyay in uu dhex maro gaadiidka ganacsi ee isaga goosha Somaliland iyo bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya
Warsaxafadeedkaasi ayaa lagu sheegay “hay’ad kasta oo ka imaanaysa inta Kismaayo ugu shishayso, Boosasona ugu baalayso, dalka Soomaaliya wixii ka imaanaya way ka hawlgeli karaan degaanka SSC/Khaatumo, laakiin deegaamada Hargaysa, Burco, Berbera, Gebiley, iyo Boorama hay’addaha fadhigoodu yahay ma imaan karaan degaanka”.
SSC/Khaatumo ayaa sidoo kale joojiyay dhammaan wixii dhaq dhaqaaq ganacsi ah ee ka dhexayn jiray degaannada Somaliland iyo SSC, waxaana lagu yiri War-saxaafadeedka “Markii aanu aragnay duullaanka iyo dagaalka cadawtinimadda ah ee maamulka Soomaaliland kusoo qaaday dadkayaga iyo deegaakayaga SSC/ Khaatumo, iyagoo aan tixgelinayn Soomaalinimo, islaamnimo, iyo derisnimo midnima laga bilaabo shan iyo tobonka bisha afraad, maamulka SSC/ Khaatumo wuxuu joojiyey dhammaan ganacsigii ka dhexeeyey Soomaalind iyo SSC Khaatumo”
SSC/Khaatumo ayaa sidoo kale mudda lix cisho ah oo ku eg 15 bishan Abril u qabtay wixii ganacsi ah ee labada dhinac ku kala maqan si loo kala gurto.
Siciid Maxamed Axmed
WardheerNews
