Kulan ka dhacay Degmada Berdaale oo looga arinsanayey qalalaase siyaasaddeed oo soo foodsaaray

Kulan ka dhacay Degmada Berdaale oo looga arinsanayey qalalaase siyaasaddeed oo soo foodsaaray

Muqdisho (WDN)- Odayaasha dhaqanka, siyaasiinta iyo waxgaradka degmada Berdaale oo maalintii Sabtida ee bish Abril 8-dii  kulan yeeshay, ayaa sheegay in habsami u socod kii howliihii maamulka Berdaale ay qalalaase iyo ishoristaag ku abuureen kooxo isbaheystey. Kooxashaasi oo ay sheegeen in ay ka soo horjeedaan dowladnimada KGS, maamul kii ay dhistey iyo nabad ku wada noolaanshiyaha bulshada Berdaale.

Odayaasha dhaqanka, siyaasiinta iyo waxgaradka degmada Berdaale kulan yeeshay.

Waxayna odayaasha ay u direen dowlada KGS baaqyo ku aadan iney soo farageliso arintaan si dhibaatooyinka looga dulqaado shacab kaasi.

Mudooyin kii ugu danbeeyey degmada Berdaale waxaa ka jirey khilaaf siyaasaddeed oo u dhaxeeyey maamulka degmada iyo kooxo maleeshiyaad ah oo isbaheystey, kuwaas oo u badan kuwii dabayaaqadii sanad kii tagey ku dagaalamey magaalada Baydhabo.

Siciid Maxamed Axmed
WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.