W/Q Wasiir Cabdifitaax Nuur (Ashkir)
Habeennimadii 2-dii bisha Desember ee 2017, waxaa Hotel-ka SYL ee magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad ballaaran oo loogu magac daray Soomaaliyada Cusub Geeddi-Socodka Dowladnimada iyo Waxqabadka Xukuumadda. Halkudhaggaasi waa eray bixin aan laga fiirsan, loona meel-dayan,mug iyo macnana aan lahayn.

Haddaba, hal-ku-dhagga ah: “Soomaaliyada Cusub” ma iska tiri Xukuummadda Raysal Wasaare Khayre, mise macno intaa ka fog oo loo fasiran karo baa jira.
Bal ereygaas “Cusub” aan dhawr tusaalle oo dunida ah u soo qaadano:
1) Itoobiyada aan dariska nahay markii xisbiga talada haya la wareegay xukunka “EPRDF”1991-dii, wuxuu ku dhawaaqay “Itoobiya-da Cusub” oo macnaheedu ahaa: Itoobiya hal aragti leh, oo talada dalka ay ka arimiyaan dhammaan qowmiyaddaha dega, kaniisadda iyo siyaasaddana la kala furo “Calmaaniyad”.
2) Halgankii Koofurta Suudaan laga bilaabo 1956-2011, waxaa hal-ku-dhag ayagana u ahaa “Suudaanta Cusub” oo uu “John Garang” ka qoray Shirkii “Nayfaasha- 2005” ka dib buug uu ugu magac daray “New Sudan” ku sharxayna “New Sudan” in ay ula jeedaan Suudaan aan Islaam iyo Carab midkoodna awood ku lahayn, lagu baddali doonana dad isirkoodu Afrikaan sax ah yahay, diin ahaana masiixiyiin ka soo jeeda.
3) Duulaankii lagu burburiyay Ciraaq sanadkii 2003-dii waxaa soo Ifbaxay eray bixinno ay ka mid yihiin “Nadaamka Dunida ee Cusub” “Mareynkanka Cusub” oo labaduba loola jeedo in la awoodeeyo diintii J.W. Bush ee ahayd ” Al-Misiixiyuuna Al-Dahraaniyuun” oo ah mad-hab Cusub oo Masiixi ah, loona sameeyay in uu difaaco danaha Yuhuudda.
4) Dowladda Turkiga ee uu Ordogan madaxweynaha ka yahay, waxaa lagu tilmaamaa in ay tahay: “Yeni Turkiya” oo macnaheedu yahay “Turkiyada Cusub”. Waa Turkiyada ay Xisbiga Caddaaladda iyo Horumarka Turkiga ay madaxda ka yihiin. Kuwaas oo xilka ka dhaxlay dowlad Ciidan oo uu dhidhibada u aasay “Kamaaludiin Ataatork” oo Turkiga ku rogay nidaamkii Cilmaaniga ahaa, laga soo bilaabo taarikhdu markay ahayd:1924-tii. Hase yeeshee markii uu xisbiga Ordogan la wareegay talada dalka Turkiga, ayay udubbada u dhigeen Turkiyada cusub; ama Jamhuuriyaddii labaad oo hadda ku shaqaysa aragtiyada Daa’uud Ooglo oo qoray buug cinwaankiisu yahay: “Qoto-dheerida Istiraatiijiyadda” waana buugga hadda haga siyaasadda arimaha dibada ee Turkiga, iftiinshana aragtida Islaamiga ah ee xisbiga talada haya, muujiyana in Turkida hadda jirta ay cusub tahay.
Aqristow erayga “Cusub” waxaa isticmaala is-beddel doonka ujeedkoodu yahay in wixii horay u jiray la dumiyo, nidaam cusub-na lagu baddalo. Haddaba maanta Soomaaliya dan ma u tahay in dib-u-heshiisiinta -laga soo bilaabay 1992-dii iyo shirarkii nabadaynta ee la soo maray iyo geedigii federalaynta iyo ka guuriddii ku-meel gaarka dhammaan aan la qaddarin, beddelkoodana lagu baddasho Xukuumad Curdun ah, jirtana 8 bilood oo kaliya, oo aan ku iman xukunka nidaamka Xisbiyada badan?!
Ma wixii horay u jiray ayaa la duminiyaa? Mise koox aragti gaar ah aaminsan baa talada dalka iminka jooga?
Si kastaba ha loola jeedee, aniga aragtitayda waxay ila tahay, eraybixintaas in ay habboonayd adeegsigeedu sanadkii 2011, markii ay Xukuumaddii Sheekh Shariif iyo Dr. Cabdiweli Cali Gaas oo ay Soomaaliya ka guurtay ku-meel gaarkii (KMG). Waqtigaas ayay ila aheyd in aan adeegsano erayga ah “Soomaalida Cusub ” waayo? Waxaan u guurnay nidaam Cusub, waxaynu sidoo kale yeelannay Distuur Cusub.
Sidoo kale, iyada oo ay Soomaaliya ku jirto marxalad adag, oo tan iyo intii ay xukunka dowladda Farmaajo iyo Kheyre la wareegeen hoggaanka dalka, waxaa jirta in had iyo jeer aan maqalno dacaayaddo ay faafiyaan wasiirro ka tirsan xukuumadda, oo sheegaya in waxtar baaxad leh ay dowladdu ku dhaqaaqday. Haddaba haddii aan dib u eegno waxaa jirta:
b) In xidhiidhka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadu tan iyo intii ay xukunka qabteen Farmaajo iyo Kheyre uu aad u xumaaday oo uu liito.
t) Nabadgelyada caasimadda iyo qaraxyada qorsheysan ee Al Shabaab oo kordhay.
j) Al Shabaab oo dagaalkeedii sii xoojisay.
x) Rajaddii shacbiga uu muujiyay markii la doortay Madaxweyne Farmaajo oo aan hadda jirin.
Arimahaasi aan kor ku xusny ayaa ka marag kacaya in shacbiga Soomaaliyeed aysan la qabin, waxqabadka ay baahiyaan dadka u ol’oleeya xukuumadda Farmaajo iyo Kheyre.
Gunnaanadkii, waxaa iga su’aal ah Raysal Wasaare Xasan Cali Khayre Muxuu ula jeedaa Soomaaliyada Cusub?!
Wasiir Cabdifitaax Nuur (Ashkir)
Garoowe, Puntland, Soomaaliya
EMail:Ashkir2009@live.com
Leave a Reply