W.Q. Axmed S. Aw-Muse
Arar: Dhacdooyinka adduunku waa kuwo inta badan isku raadjooga oo, cid kastaa gacanta hakula jirtee, leh asbaab xiriirisa waaya-aragnimona laga kororsan karo. Majaxaabadii kacdoonka wadaadkii Khomeyni la helay boqortooyadii Faaris 1979, filan waagii iyo argagaxii reer galbeedka iyo tabaabushihii, isla sanadkaa dabayaaqadiisa, Midawgii Soofiyeet ku ku soo galay Afgaanistaan ayaa ah, aragtidayda, gundhiggii colaadda maanta saamayasay Bariga Dhexe ee ku sii siqaysa xuduudda Turkiya.
Dhallinyaro aad u tira badan horseedna u ahayd kacdoon iyo baraarug diineed ayaa waagaas si xooggan u galay gudaha Afgaanistaan si ciidamada Ruushka looga saaro dalkaas. Hayb dhalasho iyo midab walba way lahaayeen waxayna taageero iyo taakulo ka helayeen Mareykanka iyo Boqortooyada Sacuudiga. Sagaal sano ka dib ayaa Ruushku xejin waayey dagaalka kana dab tirtay Afgaanistaan. Xulufadii isku hartay ma ahayn mid xero ku wada jirikarta. In badan ee ka mid ah dhalliyaradaa mujaahidiinta ku magacawnayd ma qabin kalsooni nabadgelyo oo ay ugu noqdaan waddamaday ka soo kicitimeen. Colaad horleh baa u irmaanaatay, halkudheggi taageera yaashii horena wuxuu noqday iney yihiin fallaago iyo Al-Qaacida ha la qabto, Daalibaan ha laga hortago. Raad gadashadii Maraykanku waxay ku dambeysey in Ciraaq dab la geliyo maantana eeyan cidna gacan ugu jirin.
Dulicda: Qiimaha nolosha aadanuhu ma aha maalin-joog, ee waa inta u dhexaysa dhacdo la soo gudbey oo waaya-aragnimo maanta laga dhaxlay iyo qorshe lagu wajaho oddoroska waayaha soo aaddan iyo mashaqadooda. Waa hubaal, qof aan garaneyn meesha uu ka yimi meel u ku socdana ma sheegi karo, qorshe fog inuu yeeshona laga sugimaayo. Dhibaatada sida tallantaalliga ah ugu dhacday shacabka Soomaaliya shan iyo labaatan sano ee aynu soo gudubney waa mid aad u xanuun iyo murugo badan. Rabbi inama dulmine dawgal baa jira. Qallafsanaanta xaaladaha la soo maray ayaa kallifay in maamul goboleedyo dhismaan ee loo guuro hab dawlad federaal ah taas oo weli qabyo ah kana gaabisay dhammaystirka maamulladii, tayadu yeelkeede, ay ku ahaan lahayd federaal. Waxaa la yaab leh iyadoo xaaladdaa lagu jiro in lagu dhiirrado, horraankii 2014kii, in doorasho cod loo simanyahay ah lagu tartami doono 2016ka lagana baxayo qaab beeleedkii iyadoo, haba yaraatee, aaney muuqan sida lagu meel marinayo jaangoyadaa. Waxay u egtahay sheeko iyo faqo daaha gadaalkiisa ahaa oo lala soo degdegey.
Si kastaba ha ahaatee, 28kii bishii july ayaa golaha wakiillada iyo dawladda federaalku wadajir u sheegeen inaan doorashadu ku qabsoomii karin male-awaalkii hore. Waxaa hadda laga war sugayaa sida loo meel marin karo talo qarsoodi ah ee ergayga gaarka ahi u qaybiyey madashii wada tashiga. Si kasta ha loo dhigee, waxa foodda inaku soo hayaa waa doorasho, haddayba qabsoonto, aan innaba macne loogu xiiqo iyo ujeddo toona lahayn haddaan looga gol lahayn meel ka dhac garaadaka dadka. Waa Alle mahaddii ineeyan weli muuqan olole xisbiyo fadhiid ahee lagu raadinayo kursi kana faramaran mabaadi’ lagu ogyahay oo eeyan maalinba meel uga guurin; wayse dhismi goor ay ahaataba, Waxaanna qabaa in xeer adag laga yeesho, Maamul gobol iyo Federal, ee sinaba aan la oggolaan arrinka waayahan dambe la hadal hayey ee ah xisbiyo jaantaa rogan ah (dib u fiiri 1969) waxtarna noqon karin, xasarad iyo shiddo ka kororta mooyee. Qaabka loo xakamaynayo iyo shuruudaha lagu gudbaayo waxay u taal madasha Soomaalida iyo hoggaamada dawladaha. Waxaa ila qumman in teed adag lagu xiro tirada xisbiyada dalka ka furmidoona oo eeyan marna ka badan labo ama saddex, si xerada iyo qoqobka haybta daaha looga qaado marinkana loogu ciriiriyo mid tolku u yahay muraayad uu iska arko; waxaan markaa laga fursandoonin in ra’yi, aragti siyaasadeed iyo dan guud lagu bahoobo axsaabtuna ahaadaan kuwo qiimo leh, ka mid ahaanshahooduna mid caafimaad qabta ee horseed u noqota dib u dhis qaran ka nayaayiro iyo rajo fiican kii rubcu qarni ka hor burburay.
Qaran macnaleh dad qiimahiisa garanaya baa dhisa oo aan danta iyo daryeelka guud cidna marti ugu ahayn. Waxaa hor dhaca iigu wacan baqdin iyo welwel aan ka qabo in meel aan lagaba soo noqon karin lana mahadin doonin la inoo sii riixayo, haddaan laga digtoonaan cirib dambeedka dawuad goboleed dhinaca isku wada haya xiriirkooduna yahay qoqob u eg derbigii Berlin ee aan la isu tallaabi karin. Ma aha inaan u xaglinayo dawlad dhexe oo Xamar ku oodan wax walbana marti loogu noqdo ee waa sifaha ama qaabka dawlad goboleedku u dhismeen, kuwa qabyada ahna loogu shiddesan yahay sidii degsiimooyinka qaar la isu oggolaysiin lahaa. Waxay u egtahay ujeeddada “Federal” in qof waliba siday ula muuqatay uu u sawirtay, dawlad goboleedkana loo ekaysiinayo “Home land”kii xilligii midab takoorka Koonfur Africa. Ma raad foga xilligii M.koonfur Galbeed, sidii isagoo la xaajoonaya dawlado shisheeye, ka qaylinayey in lagu soo xad gudbey soohdintiisa Jasiira, ama shaqaaqadii khadka Gaalkacayo iyo tii Caabud waaq iyo Ahlusunna.
Gunaanadka dulucda Innagu kuma noolin jasiirad koonka ka baxsan ee waxaynu ku sugannahay adduun u eg in la gabagabeynayo, dawlado badan udub dhexaadka loo siibayo dadkana dhamac lagu shidayo, iyadoo la sheeganayo in wax la xoraynayo, argagaxa ummadaha qaxiyey ee badaha jeexsiiyeyna yahay mid argagixiso lagula dagaallamayo. Iskaashi hore xukuumado ku asaasaqey kursi dadkoodiina dulqaadku ka dhammaaday weeye waxa soo dedejiyey colaadda danaysatada adduunka laye waa “hor maray” ay ku dhoobo rogayaan hadda Shaam, Ciraaq iyo Yaman oo qaxootigeedu miciin bideen Soomaaliya. Waxaa in la tilmaamo mudan tan iyo siddeedtanaadkii inaan nabad lagu seexan Afghaanistaan beesha caalamkuna eeyan marna gacanta kala bixin dalkaa, si loogu horseedo xasillooni loona gaarsiiyo nidaam demoqaraaddi ah. Waynu wada ognahay inaan maanta leennahay u ekaansho badan Afghaanistaan 1979!!. Nimaan kuu furidoonin yuu kuu rarin.
W.Q. Axmed S. Aw-Muse
Email: garmaal09@gmail.com
