Soomaaliya  oo loo doortay Guddoonka waddamadda xubnaha ka ah hay’adda Ururka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Yareeynta Khataraha Musiibooyinka

Soomaaliya  oo loo doortay Guddoonka waddamadda xubnaha ka ah hay’adda Ururka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Yareeynta Khataraha Musiibooyinka

Shirka 13-aad ee sanadlaha ah oo ay ku kulmeen 35-ta dal ee xubnaha ka ah ururka African Risk Capacity (ARC) oo ay  Hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka ee SoDMA Soomaaliya ku meteleysay ayaa waxaa sanadkan Gudoonka waddamadda xubnaha ka ah hay’adda African Risk Capacity (ARC) ee Ururka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Yareeynta Khataraha Musiibooyinka u doorteen Soomaaliya in ay noqoto. 

Shirkan oo lugu qabtay xarunta Midowga Afrika ee magaalada  Addis Abeba ee dalka Ethiopia ayaa waxaa Hay’adda maareynta musiibooyinka uga qeyb-galay Gudoomiye ku-xigeenka Hay’adda Dr Axme Cabdi Aadan iyo Agaasimaha Waaxda ka digista iyo Yareynta Khataraha Md Khatar Sheekh Maxamed Nuur 

Waa markii ugu horeysay ee Soomaaliya loo doorto xilka qabashada guddoonka laga soo bilaabo markii ay Soomaaliya sixiixday heshiiska uu ku dhisanyahay ururka ARC bishii Abriil Sanadkii 2021, iyada ay markaas Soomaaliya noqotay wadankii 35aad ee ku soo biira ururkan.

Siciid Maxamed Axmed
WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.