Soomaalida oo sanadkan si xooggan uga qeyb galeya coddeynta doorashada Maraykanka

WardheerNews (WDN) Wararka naga soo gaadhaya gobolka Minasota (Minnesota), Ohaayo (Ohio) iyo guud ahaan dalka Maraykanka, ayaa sheegaya in Soomaalidu ay si xooggan doorashada sanadkan  2016 uga qeyb galeyaan. Soomaalida ayaa cod aqlibiyad ah ugu coddeynaya madaxtinimada Hilary Clinton iyo xisbiga Dimoqraadiga.

trump-vs-hillarySoomaalida oo inta badan u coddeysa xisbiga Dimoqraadiga, hase yeeshee aanay dad badani si joogta ah u coddeyn ama uga qeyb gelin coddeynta doorashooyinka, ayaa sanadkan qaaday ol’ole ay kaga soo horjeedaan Donald Trump oo isagu si aad ah u weeraray Soomaalida deggen dalka Maraykanka. Donald Trump ayaa ku tilmaamay Soomaalida dad xag jir ah oo taageera ururada argagixisada ah Daacish .

Wararka naga soo gaadhaya gobolada ay Soomaalifu u badan tahay, ayaa sheegaya in abaabul wanaagasani ka socdo sidii dadka waayeelka ah loo geyn lahaa goobaha cod bixinta, ama loogu sahli lahaa cod bixinta. Gobollada Minasota iyo Ohaayo, ayaa moqon kara kuwo codka Soomaalidu uu saameyn ku yeelan kara natiijada doorashada.

Codbixinta doorashooinka ayaa ah mid aad u mihim ah, oo ka turjumaysa rabitaanka shacbiga, iyada oo ay xusid muddan tahay in Soomaalidu ay dareemi karaan maadaama ay ka yimaadeen wadamo (Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobiya) aanay ka jirin doorasho xor ah ama madax banaan oo ku qotonta  hal qof- hal cod.

Doorashada sanadkan ee Maraykanka ayaa ah mid si aad ah indhaha loogu hayo, iyada oo marki u horeysay ay suurta gal noqonayso in haweenay madax ka noqoto dalka Maraykanka.

Wixii warar ah ee soo kordha fadlan kala soco wararkayaga dambe.

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.