Washington (WDN)- Donald Trump ayaa si lama filaan ah ugu guuleystay doorashada madaxtinimada Maraykanka.

Guusha Donald Trump ayaa ah mid aan la filayn oo dad badani aynan saadaalin, iyada oo loo arkayay in Hillary Clinton ay si weyn uga heli doonto tartanka doorashada.
Arinkan ayaa dhabar jab weyn ku noqonaya dad badan oo Maraykan ah, taageerayaasha Hillary Clinton, madaxweyne Obama iyo guud ahaan caalamka.
Donald Trump oo qorshihiisu yahay mid xag jir ah, ayaa doorashadiisu tahay mid aan la fileyn.
Dhinaca kale Saylada Suuqa Ganacsiga Xorta ah, ayaa kadib guusha Trump 4% hoos u dhacday.
WardheerNews