W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan

Waxay ahayd muxaadaro diineed ay ka qaybgalayeen culimo Soomaaliyeed oo meelo kala duwan ka kala yimid, laguna qabtay waddanka Holland badhamihii sagaashaneeyadii oo aan ka qaybgalay.
Mid ka mid ah culumadii muxaadarada noo jeedinaysay, ayaa waxa hadalladiisa ka mid ahaa, “ anigu waxaan ka mid ahay dadka aaminsan in aynu carabowno”. Soomaalidu iminkaba waa Carab oo waxay xubin ka tahay jaamcadda Carabta ee muxuu dhab ahaan darnaa hadalka sheekha ee Carabowgu, waa su’aal maskaxdaada ku soo dhici karta.
Haddaba sheekhu waxa uu aaminsanaa in aynu guud ahaanba xoorno afka Soomaaliga kaalintiisana ku beddelno afka Caribaga, si ay innoogu fududaato barashada diinta islaamku. Sheekha waxay dooddiisu ahayd in aanu qofku diinta si qumman u baran karin isagoon Carabigu noqon afkiisa hooyo mooyee.
Mar kale xilli lagu gudajiray bishii barakaysnayd ee Ramadan muddo dhawr sanno hadda laga joogo, ayaa anigoo daawanaya mid ka mid ah TV-yada Soomaalida oo uu ka socday barnaamij qaadhaan loogu ururinayay masaajid ay Soomaalidu maamusho oo ku yaal magaaladan London, ayaa mid ka mid ahaa culumadii hadlaysay oo ka mid ahaa maamulka masaajidka uu sheegay in masaajidku uu leeyahay dugsi ay wax ka bartaan dhowr boqol oo carruur Soomaaliyeed ahi, aanay bixiyaan waxbarashada dadka waaweyn luqadaha Carabiga iyo Ingiriisidana ay baraan. Sheekha qorshaha uguma jirin in uu ubadka Soomaalida ee goobta wax ka barta afkooda baro.
Xilli hore oo aan safar ku tagay dalka Maraykanka ayaan booqday meel xafiis ah oo jaaliyadda Soomaalidu leedahay. Nin odaya oo ka mid ah dadka jaaliyadda maamula ayaa waxay sheekaysanayeen nin magaalo kale ka yimid oo hawlo uga baahnaa goobta. Waxaa yaab lahayd in labada oday ay ku wadahadlayeen af Ingiriisi. Waxaan hoos isku weydiiyay tolow ubadkooda maxaa laga filan karaa haddii ay iyagiiba af ingiisi jajaban ku wada hadlayaan, maxaase ku khasbaya arrintaas.
Maalin kale anigoo dhegysanay war ka socday TV Soomaaliyeed ayaa waxaa hadlayay nin oday ah oo dhaliilayay nin wasiir ah. Dhaliilihii uu wasiirka ku ceebaynayay waxaa ka mid ahaa, “ waa dadkii af Soomaaliga wax ku bartay oo wax uu garnayaa ma jirto”.
Dhawr iyo toban sano ka hor ayaan booqday magaalada Jigjiga. Waxyaabaha yaabka leh ee aan la kulmay waxaa ka mid ahaa dad badan oo aan Soomaaliya wada joognay oo aan ogaa iyagoo midh Af Amxaari ah aan aqoon oo iyagii Amxaari ku wada sheekaysanaya. Talow labada Axmaar ee Jigjiga ku dhashay ee Af soomaaliga daadiyay markay wadahadalayaan ma dhici kartaa in ay Af Soomaali ku sheekaystaan. U malayn mayo, waxaanse hubaa xataa haddii ay la hadlayaan qof Soomaali ah in ay af Amxaar kula hadlayaan.
Wali ma u fiirsatay magacyada ay Soomaalidu u bixso goobahaooda ganacsi noocay doonaanba ha ahaadeene. Dugsi, Dukaan, Hoteel, bakhaar iwm waxay u badanyihiin magacyo qalaad.

Tusaalooyinkaas aan kor ku xusay iyo kuwo kale oo badani waxay inna tusinayaan sida aanay dadka Soomaaliyeed ugu baraarugsanayn qiimaha uu afkoodu ugu fadhiyo, ayna ilbaxnimo iyo wax fiican u arkaan adeegsiga afafka qalaad.
Waa nasiibdarro in maanta xataa af Amxaarkii intuu ka soo gudbay xudduuda in ereyo badan xabashi ah lagu adeegsado magaalooyinka Soomaalida sida Hargeysa iyo meelo kale. Meel walba waxaa ka daaran oo la dhegysataa heeso xabashi ah.
Ma xuma waana muhiim in la barto afafka shisheeye laakiin, waxaa ayaandarro ah in aad dayacdo oo aad quudhsato afkaaga hooyo, qiimaysana afafka qalaad. Af Soomaaligu waa astaanteenna ummadnimo, ee aynu kaga soocmayno ummaddaha kale.
Af Soomaaligu xilligan waxa uu ku sugan yahay xaalad khatar ah haddi ay tahay qaab qoraalkiisa ama kuhadalkiisaba. Warbaahinta oo ahayd meelaha lagu kobciyo af Soomaaligu maanta waxay noqotay meelaha afkeenna dhibaatada weyn ku haya hadal iyo qoraalba.
Waxaa loo baahanyahay in aynu afkeenna qiimayno, qofkastaana uu xil iska saaro ilaalinta shuruucdiisa haddayn noqonlahayd ku hadal iyo qoraalba.
Ugu dambeystii bal u fiirso arrintan. Hooyo Soomaaliyeed oo ku nool dalka Ingiriiska ayaa la weydiiyay sababta ay carruurteeda af Soomaaliga u bari weyday? Hooyadii jawaabteedii waxay noqotay, “Akhas maxaa …”
Taasina waa quudhsiga ugu heerka hooseeya ee ummaddi afkeeda ku samayso!
W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan
Email: khaliilha484@hotmail.com
Leave a Reply