Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • Religion
  • Slideshow
  • Warar

Soomaalida iyo Jahawareerka Maalinta Ciidda

Maalintii shalay oo jimce ahayd kuna beegnayd 29ka bisha Ramadaan markii libdhadu galabsatay dawladda Sacuudigu waxay bilawday iyagoo adeegsanaya qalabka casriga ah ee meelaha fog wax looga arko in ay raadiyaan bisha. Haseyeeshee goor tii cirku madoobaaday islamarkaana ay ka quusteen aragtida bisha ayaa waxay iclaamiyeen in maalinta Sabtida oo dadka badankiisu quudaraynayeen in ay Ciid noqoto la soomi doono, maalinta Axaddana la ciidi dooono.

Soomaalida oo 29kii sano ee aan soo dhaafnay iyagu la soomi jiray Sacuudi sidoo kalena la ciidi jiray ayaa culumada iyo maamulada qaarkood ku dhawaaqeen in ciiddu noqon doonto maalinta Axadda sidaana dad bani iskaga taraawiixaysteen.

Haddaba goor dambe oo abbaro 11kii fiidnimo ayaa maamulka Jubbaland sheegay in Soomaali aad u indhofiiqani ay meelo kala geddisan oo maamulkaas ka mid ah ay ka arkeen bishii Sabtidana ay tahay ciid.

Guutooyinkii Nabad iyo Nolol ee ka hawgeli jiray baraha bulshada ayaa markiiba daeemay in ay fursadi meesha uga soo baxday, waxaanay billaabeen hawshii caadiga ahayd ee loo xilsaaray.

Axmed Madoobe oo gurigiisa fadhiya ayaa arkay bishii ayuu mid ka mid ahi markiiba soo qoray.

Boqollaal faallo ayaa xigtay. Dadkani Ilaahay kama baqayaan wax walba siyaasad ayay ka dayayaan xaggee lagu arkay bil 12ka habeenimo la arko ayay kuwo badani markiiba la soo boodeen. Jubbaland Al Shabaab ayaa ka talisa amarka Alshabaab ayaana lagu ciidayaa ayay kuwo kale isugu jiibiyeen.

Haddaba waxay talo farahá ka haadday oo ay candhuuftoodiina dib u liqeen ka dib mark Ra’iisal Wasaare Khayre TV-ga Villa Soomaaliya soo hor fadhiistay, sheegayna in ay Sabtida ciid tahay. Markaa ma hadalbaa meesha yaal saw inay isugu hambalyeeyaan maaha.

Culimada Soomaalida ee Kenya oo hore u sheegay in ciiddu tahay Axadda ayaa soo rogaalcelisay sheegtayna in bishii laga arkay meelo kala duman oo Kenya ka mid ah lana ciidayo sabtida.

Jigjiga iyada waa lakala ciiddayaa. Dadka qaar maanta ayay ciideen kuwana weli waa soomanyihihiin. Golaha Islaamka Itoobiya ayaa isagu iclaamiyay in Axadda la ciidayo haseyeeshee meelo ka mid ah deegaanka Soomaalida ayaa la sheegay in bisha laga arkay. Wardheer ayaa ugu horreyntiiba la sheegay in laga arkay bisha meelo kalena way jiraan.

Maamulka iyo culumada deegaanku wax wara arrinta kama soosaarin haseyeeshee dad badani iyagoo cuskanaya xaddiiskii suubbanaha ee aragti ku sooma aragtina ku afura way iska ciideen magaalada jigjiga.

Hargeysa iyana waa kala hadshay. Dad badani waxay ku seexdeen xalay berri waa soon, haseyeeshee goor dambe ayuu maamulku haddana sheegay in Sabtida la ciidayo. Puntland iyana maanta waa laga ciiday inkastoo dad badani ay saaka uun ku soo baraarugeen in ay ciid tahay.

Soomaalida waddamada Yurub ku nool iyagu maanta waa soomanyihiin maadaama laga daaro Maka iyo Sacuudiga. Maraykankana waxaa laga soo sheeagay Soomaali bisha aragtay gobollada qaarkood haseyeeshee dadka badankiisu berri bay Sacuudiga la ciidayaan

Yeelkeede waxay maanta Soomaali badan aad ugu faraxsanyihiin in ay ka xoroobeen Sacuudigii ay la soomi jireen lana ciidi jireen 29kii sano ee la soo dhaafay, halka kuwo kale iska weydiinayaan maxay Sacuudigu u ciidi waayeen kol haddii Soomaaliya laga arkay bisha mise wax aanay iyaku arkin ma rumaystaan.

Ciiddani aad bay uga geddisantahay ciidihii la arki jiray maadaama salaadda ciida guryaha lagu tukanayo, carruurtuna aanay goobihii ay ku ciyaari jireen farxadda maalinta ciidda albaabada loo xidhay.

Ugu dambeystii waxaan ugu hambalyaynaynaa guud ahaanba muslimiinta gaar ,ahaana Soomaalida munaasibadda Ciidul Fitriga in ay ku ciidaan caafimaad, nabad iyo barwaaqo.

Ciid mubaarak

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.