W.Q. Cabdiraxmaan C. Faarax ‘Guri Barwaaqo’
Badhtamihii 90kii, Dr. Cumar Cusmaan Raabe (AHUN) baa galab galbihii xagaagaasi ka mid ahayd bulshada Soomaaliyeed u qabtay fadhi. Goobtu waxay ahayd xarunta Jaamacadda Ottawa (Ottawa University). Wuxuu Diktoorku halkaa ka jeediyey hadal uu nuxurkiisu ku salaysnaa buug- yare uu qoray, magaciisuna ahaa ‘Soomaaliyeey, Halkee Baad Ku Socotaa? ’.
Galabtaasi waxaan ka mid ahaa dad badan oo Soomaaliyeed oo aragtidaa Marxuunka saluugsanaa, una arkayey mid aan maangal ahayn, dhicina karin. Hayeeshee, 20 gu’ kaddib waxa muuqda ifafaale isa soo taraya oo muujinaya jiritaanka aragtidii Marxuunka lagana yaabo inay u rumowdo si dhakhso ah. Waxaan haddaba
qoraalkan si kooban ugu eegi doonaa aragtidii (AHUN) Dr. Cumar Cusmaan Raabe iyo dhacdooyinka dhawaanahan jira ee innagu dhiirrinaya inaan rumaysanno aragtidiisii
Aragtidii Dr. Raabe
Sida laga wada warqabo, Itoobiya waa dawladda qudha ee aanay gumeystayaashii reer Yurub gumaysan, iyaduse ka qayb qaadatay inay gumeysato gobollo iyo dadyaw reer Afrika ah. Dr. Raabe wuxuu buug- yarahaasi kaga warramayaa sidii ay boqortooyadaasi u dal ballaadhsatay laga soo bilaabo 1884kii, khariidaddeeduna u ahayd sida sawirka 1aad ku cad. Dr. Cumar Raabe wuxuu buug yarihiisa ku tilmaamay sida ay boqortooyada Itoobiya ugu soo siqday dalalkii iyo dadyawgii ay deriska la ahayd.
W.Q. Cabdiraxmaan C. Faarax ‘Guri Barwaaqo’
Email: gbarwaaqo@hotmail.com
Qoraalka oo dhan halkan ka akhri: Aragtidii Dr. Cumar Raabe
Leave a Reply