W.Q. Maxammuud Cali Geeldoon
Waxaan ahay muwaaddin Soomaaliyeed oo Reer Woqooyi ah. Waxaan aamminsanahy midnimada qaranka Soomaaliyeed. Soomaalinnimada aan ku dhegganahay waxay igu gashay Reer Woqooyi dhexdii, sidaa darteedna waxaa iskaga kay maran Reer Woqooyinnimada iyo Soomaalinnimada. Ku-taamidda midnimada Soomaaliyeed igama aha sandulleynta Somaliland ee waxaan ii cuntami karayn Soomaaliya Woqooyi ka maqanyahy. Sidaa si la mida, waxaan iyana ii cuntami karayn Reer Woqooyi ka go’an oo ka goonni ah Soomaali inteeda kale. Marka waxaan walaalahayga Reer Woqooyi ugu baaqayaa bal inay ila dhugtaan arrimahan iskay tusay.
Haybta Soomaaliyeed (Somali identity) oo ku-dhowaad labadii qarni ee u dambeeyey Soomaali u shaac baxday ilaa haddana lagu tilmaansado waxaa qayb aad u weyn ku lahaa Reer Woqooyi, weliba kuwoodii debedaha mari jiey oo badmaaxyada ahaa. Waayihii lagu jirey halgankii adkaa ee gobannimadoonka, Reer Woqooyigii debedaha joogey, sida Reer Cadmeedkii iyo kuwii ku noolaa England iyo America, waxay ahaayeen tiir adag oon laga maarmi karin, iyagoo hurayey aqoontooda iyo maalkooda. Run ahaantii way adagtahay in ruux aan Reer Woqooyi ahayn la dareensiiyo sida qarannima-jacaylka Soomaaliyeed uu ugu weynaa oo ugu dheeraa dadkii Reer Woqooyiga ahaa. Waxaan aamminsanahay in Reer Woqooyi ay gudanayeen kaalinta taariikheed oo ku aaddanayd, taasoo waafaqsanayd dhaqankooda iyo waxyaalaha ay ku dhaadan jireen.
Markaad u fiirsato Reer Woqooyiga iyo dhaqankii asalka ahaa ooy lahaan jireen, waxaa kuu soo ifbaxaya nolol iyo firfircooni gaar u ah ooy Soomaalida kale kaga duwanaayeen. Waxaanna anigu noloshaa iyo firfircoonidaa u bixiyey The Northern Spirit. Waa nolol furfurraan iyo kalsami ku dheehanyihiin; waa nolol wax-isa-siin iyo wax-wada-cun leh; waa nolol qab aan ilsaweyni lahayn leh; waa nolol suugaanta iyo hal-abuurka ciseysa; waa nolol aan cabbudh qaadan Karin; waa nolol aan bad iyo berri toonna lagu soo koobi Karin; waa nolol dareen joogta ah u leh Soomaalinnimo; waa nolosha Reer Woqooyi ka dhigtay horseedka ummadda Soomaaliyeed. Waana nolol uu dagaalkii sokeeye u geystey dhaawac aad u weyn.
Su’aasha aan is weydiiyaa waxay tahay: Noloshaa iyo dareenkaa aan kor ku xusay la’aantood, Reer Woqooyi Reer Woqooyigiisii ma ahaan karaa?
Reer Woqooyi wuxuu soo maray majare taariikheed oo Rabbi u gartay, majarahaasoo u yeelay dhaqan iyo baxaalli saamays weyn ku leh dareenkooda, noloshooda, iyo fayoobiddooda wadar ahaaneed kal iyo maanba, intaasoo iyaga iyo Soomaali oo dhamiba ay u wada aayeen. Waxaan qabaa in majarahaa taariikheed aan si hawl yar mar quadha loo cayn wareejin karin. Haddii kale waxaa bulshada gelaya khalkhal, sababtoo ah baxaalligii iyo abuurtii ayaa laga hortegayaa sida haddaba muuqata. Ama tala ha ku timaaaddo, ama si kale haw timaaddee, waxaa cad in gooni-isu-taaggu aanu ku koobnayn dawladnimada oo keliya ee uu saamays culus ku yeeshay isdhexgalka bulsho. Waxaana taa ka dhashay in Reer Woqooyi kaalintii lagu yiqiin ay ka maqan yihiin, taasoo dhaawac ku ah ka-midha-dhalinta kartida uu Reer Woqooyi hore ugu caan baxay. Dad daayoo, haddaad xayawaanka ka dhex bixiso deegaankiisa dabiiciga, bad iyo berri midday doontoba ha ahaatee, ama aad soo koobto bulshada uu dhex maaxayo, ha ka yaabin inuu sidiisii hore ahaado ama u muuqdo. Kalluunku siduu u kala weynyahay ayay baduhuu mashaaxaa u kala ballaadhanyihiin.
Ka-dhex-baxa uu Reer Woqooyi ka dhexbaxay bulshaweynta Soomaaliyeed waxay ku keentay dhaqan-iyo-dhalan-rog, taasoo aynu caddaynteeda ka aragno sida ay Reer Woqooyi uga dambeeyaan Reer Koonfur dhinca ka-dhex-muuqashada iyo hoggaaminta bulshada Soomaaliyeed. Reer Woqooyi dudmo iyo diidmo qadan iyo qurux toonna kumale.
Waxaa tusaale kuugu filan, Reer Woqooyi ruuxii hooda leh oo dheef ama magac weyn, kay tahayba, raadsada oo kasbadaa Soomaali kama maarmo, wuxuuna ku dadaalaa inaanu Woqooyi keliya isku soo oodin. Runtu waa taa! Hadraawi ma soo oodi kartid; oo Dahabshiil masoo oodi kartid; oo Mo Faarax ma soo oodi kartid; oo Cigaal ma soo oodi kartid; oo Sayid Maxammed ma soo oodi kartid; oo Sh. Bashiir ma soo oodi kartid; oo Faarax Oomaar ma soo oodi kartid; oo Calidhuux, iyo Salaan, iyo Faarax Nuur ma soo oodi kartid; oo Maxammuud Axmed Cali iyo Yuusuf X. Aadan ma soo oodi kartid; oo Arraweelo iyo Dhegdheer iyo Cigaal Shiidaad ma soo oodi kartid. Reer Woqooyi wuxuu Allah hiba u siiyey nemeriyo, nimerina hoygii waa badweyn.
Tixgelin,
Maxammuud Cali Geeldoon
Email: mgaildon@aol.com
Leave a Reply