W.Q. Maxamuud Cabdillahi Axmed
“Dhacdooyinka ayaa, wiilkayow, suga siyaasadda” – Harold Wilson (R/wasaare hore, UK).
“Mucaaridku ma helo guusha doorashada, laakiin dawladda ayaa lumisa” – Odhaah caalami ah.
Doorashadii dhacday 13kii bisha Nofembar, waxa codad aan la filayn (34%) lagaga guulaystay madaxweyne Biixi. Sidaa darteed daw bay noqotay in dib loo raadraaco dhacdooyinka loollanka qabashada doorashooyinka ee soo taxnaa tan iyo sannadkii 2022kii, si wax looga barto.
Sannadkii 2022kii ayuu MW Biixi is-tusay inuu saaxadda siyaasadda ka saaro xisbiga Waddani. Si uu yoolkaas uga gungaadhana wuxuu dedaal weyn u galay in doorashada ururrada iyo xisbiyadu ka soo hormarto ta madaxweynaha; Gaboose-na yeesho xisbi, sidaana uu ku qaybsamo codka beesha Garxajis. Dr Gaboose-na laabta ayuu la soo kacay, isagoo halkaas ka arkay fursad dahabi ah. Intaas waxa garab socday gacan-qabasho lagu abuuray ururro kale oo ay hoggaaminayaan shakhsiyaad ay murashax Cabdiraxmaan Cirro isku beel yihiin illeen siyaasadda Soomaalidu waa mid beelaysane.
Waxa kale oo shaxda Biixi ku hoos jirtay inuu saaxadda sawirka siyaasadda uu ka tirtiro guddoomiyaha xisbiga Waddani Xirsi Xaaji Cali oo ujeedadu ahayd haddii Waddani meesha ka baxo inuu Biixi u hadhi doono codka beesha Habar Jeclo (HJ), sidaana ku waari doono isbahaysigii la baxay Jeegaanta. Muddadii murankani socday waxa MW Biixi u suurtagashay muddo korodhsi labo sanno ah. Xisbiga Waddani wuxuu taas kala hortagay diidmo mayal adag iyo bannaanbixii 11.08.2022 oo sababay dhimasho ilaa 11 qof, dhaawac badan iyo xabsi.
Laakiin waxa istratejiyadaas madaxweyne Muuse Biixi ka halleeyey dagaalkii ka billaabmay Laascaanood horraamihii sannadkii 2023kii. Wuxuu Biixi dhegaha ka furaystay talo kasta oo la siiyey oo ahayd inuu ciidanka ka soo saaro Laascaanood, dabeetana la wada hadlo. Waxaase Biixi waagu ku beryey markii jabhad ka cadhootay dadkii lagu laayey bannaanbixii Waddani badhtimii sannadka 2023da ay koreen buurta Gacan Libaax; taas oo Biixi ku furtay aag labaad oo dagaal. Dhawr bilood ka dibna waxa xigtay dhacdadii la magac baxday jabkii Gooja-cadde ee 25.08.2023. Waa maalin Biixi godkiisa biyo ugu galeen.
Afar bilood ayuu oodda soo rogtay oo afku juuqda gabay; ka dibna waxa la arkay isagoo habeen ka fudhkudiyey Addis Ababa 1dii Janaayo 2024ka, R/wasaare Abiy-na la saxeexanaya heshiis badeedka ku caan baxay MoU; ka dibna madaarka Hargeysa ayuu ka soo degay isagoo naf cusubi soo gashay oo lulaya kaadhka ictiraafka, billaabayna abaabulka iyo hubaynta ciidan beeleed (HJ), loo bixiyey SSB, ujeedaduna tahay in colaad laga billaabo Sool iyo Buuhoodle si ay marmarsiiyo ugu noqoto laalista doorashada.
Nasiib wanaag, waxa ka gilgishay madax-dhaqameedka iyo culimada beesha HJ oo uu hoggaaminayo suldaan Maxamuud Guuleed oo shirkii Talo-wanaag ee bisha Nofembar 2023 ka qabsoomay Burco, kuna baaqeen inay nabad kula noolaanayaan deriskooda, cidna aysan duulaan ku ahayn difaac mooyee.
29kii bishii Ogost 2023 ayaa ergo ka socotay beesha HJ aqbalsiisay MW Biixi inuu oggolaado qabashada doorashada isku-sidkan ee urrurada iyo madaxtooyada, dhacdana 13.11.2023. Guddida Dooroshooyinka Somaliland, hore ayey u shaaciyeen inay diyaar u yihiin qabashada labada doorasahaba. Dr Gaboose-na maalintaas ayuu cusbitaalkiisii dib ugu noqday.
Waxa iyana u sii kala raray Biixi markii siyaasi Maxamuud Xaashi – guddoomiyaha urur siyaasadeedka Kaah – uu heshiis isbahaysi la galay xisbiga Waddani, kaas oo noqday dubbe ku dhacay isbahaysigii Biixi ku soo baxay sannadkii 2017kii. Maalintaa ka dib mudane Xaashi wuxu isu dhigay hoggaamiyaha beelaha bariga ee ka soo jabay Kulmiye, waxayna taasi sida dharaarta u caddaatay habeenkii (9/10/2024) markii madax-dhaqameedka beelaha HJ ku dhawaaqeen inay dhisayaan isbahaysiga Waddani iyo Kaah; murashaxa ay dhisayaana yahay Cabdiraxmaan Cirro.
Sidoo kale lama dhayalsan karo kaalinta shacabka reer Awdal iyo falcelintoodii ku aadanayd qafaalashadii dawladdu kula kacday xildhibaan Maxamed Abiib ee 2dii Sebtembar 2024 iyo baaqii Ugaaska Samaroon Ugaas C/Rashiid Ugaas Rooble – oo dhawr cisho ka hor maalintii doorashada ugu baaqay dadkiisa in loo codeeyo murashaxa Waddani, C/raxmaan Cirro. Sidaa darteed, barqadii hore ee 13.11.2024 ayaa lagu kala calaf qaaday Boorame.
Doorashadani kama madhnayn arrimo iyo aragtiyo la isku hayo. Biixi wuxu kaga goodiyey meelo badan inuu u taagan yahay difaaca dalka, xagga gobollada bariga, iyo Waddani oo lahaa nabad ayaanu ku soo dabaalaynaa. Suugaanleyda iyo fanaaniinta ayaa iyagu, badankoodu, la saftay doodda isbeddel doonka: Somaliland nabad ah. Waxa goob kasta iyo fagaare kasta ka baxaysay heesta ay qaadeen kooxda Xiddigaha Geeska: “Saxanow Difaac Qaran waa Sidee?” – taas oo aamusiisay mikirofoonkii Biixi intaan ololaha doorashaduba billaaban.
Biixi waxa kale oo aan caawin hadalladii xanafta lahaa ee uu ka jeediyey Burco maalmo ka hor maalintii codaynta oo uu ballan ku maray inuu maxkamadayn doono ergadii xalisay muranka doorashooyinka iyo waraysigii BBC-du ka qaaday saddexda murashax oo uu Cirro ka mudhay, Biixina jawaabihiisu ka hoos mareen heer madaxweyne, qawraxna u badnaayeen.
Taas macnaheedu maaha xisbiga Waddani wuu iska fadhiyey. Runtii sabirka, dulqaadka, hadal wanaagga iyo meelaynta mugga weyn, asluubta iyo hanashada qalbiga dadka ee uu muujiyey C/raxman Cirro kaalintooda ayey lahaayeen. Lama dhayalsan karo abaabulkii taageerayaasha Xisbiga iyo halwadeennadiisa.
Gebo-gabo: Maxay Soomaali ka baran kartaa doorashadan?
Laguma degdegi karo jawaabta, waxaase hordhac ahaan la soo qaadan karaa:
1. In siyaasadda Soomaalida qofku qolo noqdo, qoladuna xisbi noqoto.
2. Muhiimadda dhacdooyinku ay ku leeyihiin jiho beddelka siyaasadda.
3. Muddo kordhinta iyo jabkii Gooja-Cadde ayaa ah labo sababood oo Biixi eersaday; muddo kordhintuna tahay sun ku milan siyaasadda Soomaalida.
4. Muhimadda isbahaysiga xambaarsan farriin togan sida nabadda iyo wadajirka.
5. Doorka erayga wanaagsan ee qofka madaxda ah iyo shakhsiyaddiisu ku yeelan karaan jawiga siyaasadda; inkastoo dad badan reernimadu indho-tirto; iyo
6. Kaalinta heesaha casriga ahi ku leeyihiin wacyi-gelinta siyaasadda.
Wa Billaahi towfiiq
Maxamuud Cabdillahi Axmed
Email: maxamuudaxmed@ live.com
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.
WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.
WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.
Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved